Jawaab iyo Toosin: Shabeel Nin Rabeeyay, Riyuhuu Ka Cunaa

By Ayaan Aadan – SEATLE

Marka hore waxa idinku salmayaa salaanta islaamka saalumu calykum
 
Bacda salaan walaal waxan jeclaystay inaa waxogaa toosin siiyo maqaal ka mida maqaalada aad ku soo qaraysaan websityada hada la sameystay. Maqaalkaasi oo ahaa “Shabeel Nin rabaystuu Ridiisa cunaa” (WeraarPress).

Malaha majarha siyaasada ayaa meel cusub kaga biirteen 2009 maqaalkaa aad soo daabacdeen ayaad waxad ku sheegteen arin aan oolin Boorama iyo Awdal. Waxad sheegteen in saylici, uu  cabdiraxman awcali ku daray siyaasada kulmiye . Warkaas oo sal iyo raad toona lahayn waxa dhaba in saylici kulmiye uga soo horeeyay cabdirahman awcali. Waxana xiligaa kulmiye maamul ka ahaa asaasihii kulmiye waqtigaa Ahmed muhumed Geele (Dacar)
isaganaa kulmiye ka hirgeliyay awdal.  Aan idiin yara hagaajiyo, ina Aw-cali waqtigaa wuxuu ahaa una sharaxnaa xisbigii laga adkaaday ee Asad.  Ninka aad aadan xaaji tiraahdeen wuxuu ahaa ‘junior’ aan meelna siyaasada kaga jirin marka laga reebo tageero uu siin jiray Asad iyo ina awcali. Waxa kale oo jirtay in markii beesha maxadcase kala noqotay tageeradii kulmiye uu saylici go’aansaday inuu isagu ku jiro xisbiga tageero siiyo cabdirahman awcali .

Sida la wada ogyahayna iyga oo wada socda kulmiye doorashadii weyday markii la gaadhay waqtigii danbe saylici tageero u doontay sxbkii ina awcali inuu garab istaago madaama saylici berigaa beeshiisa uga hadhay tageero badana siiyay. In markan isaga uu tageero balse cabdirahman awcali arinkaa gashaanka ku dhuftay aakhirkii dhaxalsiisay in lagaga adkaado shirkii burco. Hadaba waxan idiin sheegayaa qofna khalad kuma laha hadii uu hunguri ka galo boosaska sare dalka in laysku sharaxaa maaha mamnuuc ama cid qof u xidhan ama beel u xidhan qof kasta ama beel kasta xaq siman ayay u leeyihiin.

Mr Rayaale maalintii booska ku doontay ninkii ay isku ardaaga ahayeen ina awcali isaga oo aan waqtigaa ahayn nin laga yaqaan borama ama aan ku lahayn hanti la taaban karo. Beeshiisu kuma khasbin inuu uga tanaasulo inaaderkii maantana heerkaa ayuu ka gaadhay siyaasada sidaa ayayna beelna qof ama shakhsi ugu khasbi karin tanaasul. Kala fogeynta beelaha samroon aad ayaan uga soo horjedaa iyo wax ka sheega shakhsiyad ama beel nacaybka ku dhisan. Waxan ku waanin lahaa abtiyaashay in laga fogaado ceebaha historyga aan laga been sheegin talo hagaagsan la yeesho
 
    wa bilaahi tawfiiq
 

Ayaan Aadan
 
Seatle Washigton
 
 
 USA

About these ads

Categories: Waxay Ila Tahay (Opinion)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: