QABYO: Cabdilaahi Suldaan Timacade (AUN)

Nin qalbi la quraan kii u akhriyay, “Qaaf” dheh ku harraadye

Kutubtaa sidii loo qarridhay, qiil la’ Aakhiro e

Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye

Maansadii QABYO:

Waxa tiriyay C/Laahi Suldaan Timacadde (Raxmatullah Calayhi)

Indhaweydba Qaadkiisa gabay, qaadi ma lahayne

Wax waliba qisuu leeyihiyo, qir iyo maamuuse

Qawaaniinta maansaduna waa, qalad la’aan sheege

Halkaan xarafku kuu qabanba, waa laga qadoodshaaye

Maansada qaraamiga yaryar ee, qayliyaa dilaye

Qarka Orobba qaaliga Faraans, qaarriyada Maarsi

Quruxdii Almaan, iyo dhulkii, Muuse laga qaaday

Qalcaddihii burburiyo reerahay, qadaye yeedhasay

Nina lama qasbine waa qasdidey, inay qasaaraane

Wuxu Qalinku meeraba markii, laysku wada qaatay

Qabbaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruudu

Taangiga qafilan maalintuu, qaatay minawaarku

Qalladdii Jabaan lagu dhuftayee, qoob u la rogi waayay

Qubulooyinkii oo kalaan, maanta qubayaaye

Haddaan qaban karaysaan araar, qaaliyaan tirine

Dawladahan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyay

Nin waliba marbuu qaadan jiray, qaanso iyo leebe

Qarfo iyo marbuu seexan jiray, qalanqal hoosteede

Hayeeshee quluub wada jirtaa, Qaniya sheekhoowe

Qalalaase meel lagu lumiyo, qaylo iyo oohin

Qorraxdii dhacdaba teenu, way kala qaxaysaaye

Qodob la riday qudhaanjada gashaa, qood dad waw halise

Hadduu geed qalalo roobku wow, qamac kaliileede

Dirxiga qudhunku uma soo uree, wuuba quudsadaaye

Qabaa’il jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay

Qasdi jeeray wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso

QABYO weeye Soomaalidaay, qiiradiinaniye

Nin qalbi la quraan kii u akhriyay, “Qaaf” dheh ku harraadye

Kutubtaa sidii loo qarridhay, qiil la’ Aakhiro e

Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye

About these ads

Categories: Suugaan(Somali Literature)

4 replies »

  1. waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa walalaha somaliyeed ee isku dhibay inay soo ururiyaan gabayadii aqonyahanadii hore ee somaiyeed ilaahay jano iyo naxariis haka waraabiyo
    markale waxaa mahad leh farsamayaqanka somaliyeed rag iyo hablaba ee bartay wibe disnging ka iyo kushubida tariikhaha somaida aad ayaa umahad san tiin waxan ad intaakadib waxan ahay wilsomalyeed 24 jir ah aadna u xiseeya gabayada iyo kutilmaamida dariiqa toosan sida gabay gii c/laahi suldan timacade Waxa tiriyay C/Laahi Suldaan Timacadde (Raxmatullah Calayhi)

    Indhaweydba Qaadkiisa gabay, qaadi ma lahayne

    Wax waliba qisuu leeyihiyo, qir iyo maamuuse

    Qawaaniinta maansaduna waa, qalad la’aan sheege

    Halkaan xarafku kuu qabanba, waa laga qadoodshaaye

    Maansada qaraamiga yaryar ee, qayliyaa dilaye

    Qarka Orobba qaaliga Faraans, qaarriyada Maarsi

    Quruxdii Almaan, iyo dhulkii, Muuse laga qaaday

    Qalcaddihii burburiyo reerahay, qadaye yeedhasay

    Nina lama qasbine waa qasdidey, inay qasaaraane

    Wuxu Qalinku meeraba markii, laysku wada qaatay

    Qabbaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruudu

    Taangiga qafilan maalintuu, qaatay minawaarku

    Qalladdii Jabaan lagu dhuftayee, qoob u la rogi waayay

    Qubulooyinkii oo kalaan, maanta qubayaaye

    Haddaan qaban karaysaan araar, qaaliyaan tirine

    Dawladahan laga qayliyee, qaaq wax kaga siiyay

    Nin waliba marbuu qaadan jiray, qaanso iyo leebe

    Qarfo iyo marbuu seexan jiray, qalanqal hoosteede

    Hayeeshee quluub wada jirtaa, Qaniya sheekhoowe

    Qalalaase meel lagu lumiyo, qaylo iyo oohin

    Qorraxdii dhacdaba teenu, way kala qaxaysaaye

    Qodob la riday qudhaanjada gashaa, qood dad waw halise

    Hadduu geed qalalo roobku wow, qamac kaliileede

    Dirxiga qudhunku uma soo uree, wuuba quudsadaaye

    Qabaa’il jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay

    Qasdi jeeray wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso

    QABYO weeye Soomaalidaay, qiiradiinaniye

    Nin qalbi la quraan kii u akhriyay, “Qaaf” dheh ku harraadye

    Kutubtaa sidii loo qarridhay, qiil la’ Aakhiro e

    Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye

    kudalaala soouruuninta gabayada iyo taariikhda odayyaasha somaliyeed kuwooda ugu wanaag san kuna saleeya diinteena islamka adiyo aad ayaa umahad santiin ilaahay ha idiin fududeeyo

  2. magacaygu waa salmaan ismaaciil axmed waxan ka sii anba qadaya gabeygan!

    nin qalbi Qur,aan kaw akhriyey qaaf dheh ku harraadye

    Qayrkii-ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye.

    Ingiriiska Amxaariyo talyaan, way akeekimiye

    Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone

    Anse ila ah aakhiru sabaan. iligyadiisiiye

    Orgigaa riyaha taadaxoo. oodda faaliga e

    waa duni hablihii la ogaa, aqalka diideene

    Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

    Waa duni la kala iibsaday oon, nala ogeysiine

    Waaduni akhyaartii go,day oo, aaran soo hadhaye

    Waa duni ninkaad amintaa, kuu abees yahaye

    Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

    Waa duni xaqii la arkayaa. la arjuumayaaye

    Waa duni akhyaartii lahayd, iib-ku-doon tahaye

    Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

    Afka iyo aduunkaa hadloo, oodan sadarkiiye

    Ninka gacanta midig oodan tahay, laga il roonaaye

    Anse ila ah aakhiru sabaan. iligyadiisiiye.

    • ilaahey naxariistii jano ha ka waraabiyo marxuunka cabdilaahi suldaan maxamed tima cade

      amiin amiin amiin adiga iyo umada muslimiinta ah wixii geriyooday alle ha u naxariisto wixii noolna alle xaqa ha garadsiiyo amiin amiin amiin

      wax uu ahaa qof jecel hormarka somaaliyeed anigana tariikhdii abwaan tima cade waxa aan qabaa

      inuu abwaankaas gabayadiisa aan la soo koobi karin taarikh weyna ku

      laha umada soomaliyeed gabayadiisana waxay ka hadlayaan waxa waqtiga tagan iyo waxa dhici kara.

      wii uu umada soomaliyeed uu uga baqanayey wey dhaceen ilahay somalia ha u dhaliyo

      dowlada xasilan oo dacad u ah dadkeeda. amiin amiin da,deyduna waa 18 jir waxana

      jecelahay gabayada iyo raad raca tariikhda somaliyeed waxana umada somaliyeed u

      shegaya iney ku dadaalan soo uruurinta gabayada abwanada sida timacade iwm

      waxana niga codsanaya inaad ka sii anba qadaan gabeyga socda oo kor ku xusan

  3. Wad mahadsantihin dhamantin akristayasha iyo soo ururiyayashaba aniga abwan mahi gabyana mahi balse waxan tiranaya mahmah dhaxal ahaydo marna daqankena sina uga dhexbixino kolkan ayar eektaba igu so dhacayse nimanyahow nadhacaye hoganka iska dhigaye dhexdeni naqaybshe dhigeni isku dadshe magaceni dhera dhulka hos ugaliye somaliyo dhan kabigod hadad dhacden dhaba la iskaga kin celin nimanyahow dhagaha xirane dhankaxiyo xujada ahe garashada dhalankiyo muqalka dhabcalkaleh dartina inan udhimaniyo idinku inad nadhaftan dhabti lamahoraye labada isgarab dhigan dhab u ega midba lagu dhaqaqiye manta dhidi waye isma dhowranayne wa dharar xisabtane ordo nadhafa xurnimo an dhadhamine dibna uso ceshano magaceniye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: