Muuse Rabiile Good: Aabihii Aasaasay Gobolka Awdal

Muuse Rabiile Good (Aabaha Awdal)

 Marxuum Muuse Rabiile Good (Raxmatullah Calayhi)- waa Aabihii aasaasay  Gobolka Awdal, Awdalta Cusub (New Awdal). Isaga la’aantiina ma jirteen maanta gobol dadkeenu sheegtaan oo kuba faanaan, iskuna halleeyaan.  Waxaynu halis ugu jiri lahayn dhul ballaadhsiga iyo dhul sheegashada beelaha dariska, oo waxaynu ahaan lahayn degmo ka tirsan gobolka Hargeysa. Ilaahay ka sokow, waxaynu Awdal ugu haynaa abaal weyn, Halyeey MUUSE RABIILE GOOD.  Ilaahay qabriga ha u nuuro, naxariistii janana ha ugu deeqo- AAMIIN. 

The Father of The Nation of Awdal

Muuse Rabiile Good - The Father of The Nation of Awdal

 

About these ads

Categories: Warka (News)

4 replies »

  1. Dabcan waa sawir xanbaarsan taariikh soo jireen ah dhamaan gayiga somaliyedna waa hal.yay laga yaqaanay balse.. waxaan la yaabay ninka sawirkan uga dhigay ataaturki of awdal .miyaanan laga mudnayn marka ay noqoto taariikhda gobolka awdal muuse rabiile good miyaanay jirin shaqsiyaad siyaasi ka rugcadaasan ah oo aan soo marin millatry balse ku xeel dheera arimaha siyaasada amaba ahaa dublamasi sida ..Alaayarxam aadan isaaq oo ahaa father of adication of all somali ahna masuuliyiinta ka soo baxay gobolka awdal ninka ugu taariikhda dheer uguna wax qabadka wangsanaa hadaba aniga oo ku han.balyaynaaya sawirkan iyo daariikhdiisaba waxaan jeclaan laahaa in aan marnaba laga tagin in aynu title kasta ku qorno sida ay siyaasiyiinta gobolka awdal iyo milatarily generals cornol.lada amaba derajooyiinka lanuuc ah waxaa haboon in aynu ku xusno mar walba magacii iyo haanaankii hufnaa ee uu lahaa alaha u naxariistee Al Ustaad adan isaq

  2. Aadbaan kuu salaamayaa Koshin UK.

    Ustaad Aadan Isaaq Axamad Iidle (AUN), oo dhawr jeer an codsaday in sawirkiisa la iisoo helo, runtii wuxu aniga xagayga ka mudan yahay QADDARIN iyo qiima badan, oo ah inuu yahay Aabaha Waxbarashada Woqooyi Galbeed oo dhan. BALSE, wakhtigaasi uu isagu wasiirka ahaa ma jirin wax la yidhaahdo Gobolka Awdal.

    Sidaa daraadeed hindisaha Awdalta cusub ama gobolka Awdal, waxa mudnaanteeda koowaad iska lahaa oo an laga dafariri karin, dawladii kacaanka ee Milatari ee u hogaaminayay Maxamad Siyaad Barre (AUN). Muuse Rabiile Good (AUN), oo dawladaasi milatari u yeeshay nasiib inuu ka noqodo Wasiir ayaa isaguna sidoo kale yeeshay hindisaha iyo aasaaska gobolka Awdal, hadday noqoto magac bixin iyo degaano bixinba, maadaama uu ahaa muwaadin kasoo jeeday Awdal oo kacaanka ku jiray. Isaga iyo dawladaas militari la’aantood waxaynu ahaan lahayn uun degmo ka tirsan Hargeysa, oo waxa maanta laysku haysan lahaa Boorama, halka Gabiley iiyo meelo kala layskaga haysto.

    Si kastaba ha ahaatee Ustaadka Wabarashada Woqooyi Galbeed, Marxuun AADAM ISAAQ AXAMAD, waan sugayaa sawirkiisa waxanan ku xusi doonnaa mar walba baal dahab ah. Aniga marnaba hayga sugin inaan keeno ‘midab kala sooc marxuumiin’, sida reer Boorama qaarkood, oo meel kastaba ku xusa Aadan Isaaq, hadana sii aasa Muuse Rabiile, oo meelnaba an ku xusin. Kala sooca marxuumiinta inagu leh maamuusku waa moral jab, meel ka dhac iyo micno yari. Haddii ay dadka qaarkood u kala eexdaan masuuliyiintii aakhiro tagey, kuwa ifka joogana maxay ka yeeli doonaan????.. !!!

  3. Ilaahey Naxariistii Jano haka waraabiyo dhamaan dadkii ka baxey umada Muslimiinta, Somalida iyo Awdalba. Marxuun Muuse baal dahaba ayuu kaga jiraa taariikhda awdal iyo ta Somalidaba. Waxana cad la’aantii inaanan waligeen mursed u heleen Gobalka Awdal. Marxuum Aadana Ilaahey isna ha u naxariisto wuxuu tareyna waan oqsoonahey oo waxaa ka mida waxbarasha guud ee umada Somaliyeed. Waxa kaloo lugu xasuustaa baneyta Borama International Airport oo markuun Aadan loogu magac darey. Taariikhduna wey xuseysaa labaa Marxuum iney yihiin kuwa ugu horeeya Taariihda Awdal laga bilaabo lixdankii. Wallaal hiildan aad baad u mahadsan isku deyga ururinta taariikhda Awdal iyo tan Somalidaba.

  4. Habartii docdeediyoo, degelkay ku nooleyd, daruurhu hadheeyen, dadka wadda hel moodoo, daad waraaraac bay tidhii….waa heedhe hadii nin la yiri wax buu cuney, ama waxbuu si weydaariey saw ma ahin in lagu cadeeyo…
    Midda kale Mayorka maxaa dhigey Hargeysa ma hargeysuu u yahay maayor saw ma yimaadeen oo xilkiisa ma guteen.. wallee horaa loo yiri Timir lafbaa ku jirtaa… wax cun iyo is daba marin iyadda u daa meeshaa… waxase mudan in lagu cadeeyop isna uu is uu iscadeeyo hadduu ceeb ka saliim yahay…
    Haddii la yiraahdo hebel meel buu wax ka qabtee waxuu doono ha sameeyo, oo dee wa caynkee..
    Wax isdabbo marintu kan uun ma ahin dalkoo dhan baa ah, xalaashuba way ku yartahay, hadeyna jirinba…

    Qolyahahn tirtirfan baan sheeg… mayorku xil buu hayaa uma hayo qabiil ee dal buu hayaa.. xilkan waa laga qaadi karaa waanna loo dayn karaa.. wax micno ah oy leedahay ma jirto…..

    Qalab lacag lagu ururiyuu sameystay isagga u gaar ah,miisaniyad buu soo kordhiyey, wadooyin buu wax ka dhisey, dee micnaheedu ma ahi yaan la xisaabin ee canka ha buuxsado… horaa loo yir sacab hadaan wax ku jirin maxa habeenkii loo tumayaa… ninkanu hadduusan wax is dhaafin waxa la hadal hayaa ilaa muddo dheer, magaladiina wuu ka mmaqan yahay, xanuun kuma maqal in uu ku maqan yahay, shaqo uu ku maqan yahayna hadal keedba reer, fasax maba galaan, oo waxay isdabbo mariyeenbaa soo bixiye iyaddana reer baa hore loo yirii…..

    Afwene alle ha u naxariiste… wuxuu yiri.. Maxaan u waayey askari minoshiibiya ah oo shaqa ka tegis soo qorta, iyagaana ugu lacag yar shaqaalah dawladee, maxaase loo waayey askari trafic ah oo isna shaqo ka tegis qorta..kkkkk

    ninka wax qabtay waa ka magaaladdii wax ka qabtay dhex jooga ee ku ka muquurta oo meel isku qariyey dee maxaynu dhanaaaa…..

    Ma caadifaddii reer hebel baan la soo boodaa oon idhaahdaa anagaa la noo jeeddaa oo waxaa la noo quudhi laayahay maayarka…kkkkkk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: