
DanYare iyo DaNana waxay doorkan maanta ah rabaan bal inay hadal wanaagsan iskula hadlaan oo khilaafkooda badan soo af-jaraan. Balse, waxa la yaab leh, waa inay mar walba naruuro ama qiil u raadshaan sidii ay iskugu soo jiidh-dabci lahaayeen. Qiilka ugu fiican wakhtigan xaadirka ah, ee u fasaxaya isu soo dhawaanshahooduna wuxu yahay, in saddexdoodii wiil oo muddo badan is hayay ay maalin dhawayd isu wada yimaadeen, iyagoo faraxsan oo gacmaha is haystana la arkay. Sheekadan ayaa dhex martay:
DanYare: DanaNaay, bal koobka shaaha ah iila soo dhakhso , oo dee waxa ba’as waabad la raagtaye miyaad karinaysaa?. Sinjibiilkana haka ilaawin, hargabkuu saaraabaa la yidhiye, haa ‘hargab digaaga’ sinjibiikaa u dawa ahe.
DaNana: Waakanaa xaaji koobkii shaahii, oo sinjibiilna lehe, ‘soo hor caashaqa’..!
DanYare: Saaka heestan iyo farxadan kaa muuqata magaceeda maxaa lagu sheegaa?
DaNana: Waxa magaceeda lagu sheegaa ‘Soo hor caashaqa’..!.
DanYare: Bal warka ii balballaadhi, maxaa kugu soo kordhay?
DaNana: Inaynu is caashaqno, oo hadal fiican isula hadalno, ma ceebaa?
DanYare: Maya ceeb ma aha, haddii wax fiicani dhaceen..kkk
DaNana; War fiicanbaa jira oo saddexdeenii wiil way heshiiyeen, oo shalay gacmahay isa saareen.
DanYare: Ma saddexdeenii wiil, ee mid wadaadka ahaa, midna waran laha ahaa; midna wasiirka ahaa, ayuunbaa mar wada heshiiyay..?. War xun ma aha, maxaase inaga inooga gidhiish ah?.
DaNana: Waxa innooga gidhiish ah inaynu inaguna gacmaha isa saarno, oo aynu dabaal degno, oo caashaqa soo horno…!
DanYare: Bal adigu ku horree, oo soo hor caashaqa, aniguna waan soo tu’ine..!.
DaNana: Meelahaas uun haka hadlinoo
Haka hugminoo
Hayga maqnaane
Hooyga joogoo
Hoobeeyooy soo hor caashaqa
Haa..an heshiinnee…!!!
DanYare: Halkanbay odhan layma taabanoo
Layma tuujine
Muruqbaa igu taaganoo
Waa layga tegaye
Hoobeeyooy Tu’i caashaqa
Haaa……..an Tahriibnee…!!
Categories: Majaajillo
DanYare Iyo DaNana: Waa Sidee Xaalkoodu?, Hello May Maqlaysaa?
Hadday Dumarkiiba Is Qarxiyeen, Halkee Dib Loogu Noqonayaa..?
Muhandisayaasha Madluunka Awdal: The Architecters of Awdal’s Misery..!
Waraysi: HiilDan Vs DhanXiir..!
Majaajilada Sannadka: Waa Majaajiladii Iigu Qosolka Iyo Xusuuta Badnayd Inta An Garanayo…