Codsi KA Socda Ururada Dhalinyarada Reer Awdal

By Mujaahid Farxaan 
Jeeroo basaas loo dhinto, geesi Baadiyoobo
jeeruuw boqnaha dhiig la galo, reerkan bahalobay
Gobanimo bannaan lagama helo, bar iska taal- taale
Ururada Dhalinyarada Reer Awdal waxay ka codsanayaan cuqaasha bulshada ADAL, inay amar ku siiyaan wasiirada iyo xildhibaanada jooga Hargeysa inay dhammaantood is casilaan.
 

Waxaynu wada ognahay inuu shaqayn waayay sharcigii iyo nudaamkii aan ku heshiinay beesha hargaysa inaan kuwada noolaano. Waxaaynu wada ognahay sharcigii aan dhiganay inuu qaban waayay beesha Hargaysa ee xasuuqa gaysatay oo golahii guurtidu shaqayn layahay. Maanta ciidankii loo samaystay inuu difaaco bulshada rayidka ahaana loo adeeg saday inuu xasuuqo bulshadii aas aastay ee samaysatay. Hadaba sababta  wasiirada iyo xildhibanada  reer Adal aay hargaysa ujoogaani maxay tahay?’ mise iyaguna waxay sugayaan inuu qiyaamuhu ugu dhaco Hargaysa ?
 
Ururada dhalinyarada reer adal waxay ka codsanayaan cuqaasha iyo waxgaradkooda inay amar kusiiyaan wasiirada iyo xildhibanada hargaysa joogaa inay isa soo xereeyaan xilalka aay hayaana iska casilaan. Inayn ujeedadii aay meesha u tageen ee ahayd bulshada aay matalani soconwaydaye oo manta iyagoo Hargaysa jooga ayay ka dhaadhicin kari waayen kuwa dhigooda ah inuu sharcigu shaqeeyo oo gacanta lagusoo dhigo gacanku dhiiglayaashii  xasuuqa gaystay. Beesha hargaysa waxay noqotay (goowsa waraabe gudo kaxiriirsan) golayaashii sharci dajinta iyo xeerilaalintuna waxay isu badaleen reero oo waxayba tageereen maleeshiyadooda gumaadka gaysatay
 
Gundhigii maqaalka waxaan oranlahaa caqliga saliimka ah ee aay wasiirada iyo xildhibanada reer adal hargaysa ladhexjoogan loogama baahno hargaysa ee waxaa looga bahanyahay degaanada aay kasoo jeedan ama lagasoo doortaye hakusoo labtaan dhulkooda iyo dadkooda intaanu qiyaamuhu ugu dhicin hargaysa waxaalama huraan ah in bulshada reer adal arimahooda gudaha dardargaliyaan himiladoodana muujiyaan dhaliyarta reer adal na waxay u diyaaryihiin inay malkooda muruqooda maskaxdooda iyo dhiigoodaba uhuraan sidii aay himiladooda u muujin lahayeen
 
Baabuurta hadi aanad jarin, bangadi toolka  
Baruuda qiiqdiyo hadaan, BM laguraadin
Boobaha hanqadha hadaan, qalaxdu biif laynin
BKM kiyo sabanka iyo  faal, bunbada tuura
Bello jeeroy qiiqdo, rag badan galow ku baashaalo
Jeeroo basaas loo dhinto, geesi Baadiyoobo
jeeruuw boqnaha dhiig la galo, reerkan bahalobay
Gobanimo bannaan lagama helo bar iska taal- taale
 
by farhan adan warsame
       swiss
 
 
 
 

 

 
About these ads

Categories: Warqad Furan (Open Letter)

1 reply »

  1. Farxaan waa sidaa aad sheegtay!

    Anuu waxaan aaminsanahay in mas’uuliinta leh madax-weyne, wasiirro, xildhibaanno, odayaal ee wali Hargaysa ku eeddani ay yihiin calooshooda-u-shaqaystayaal.

    Calooshisa-u-shaqayste waa nin dantii u xoogsada ee iyaan waxba laga sugin.

    Dhallinyarta reer Adal waajibka saaraan ha guttaan iyogoo aan waxba ka sugin ragga Hargaysa ka shaqaysta. Annagu haddi aan nahay dadka debedda dalka ka jooga, aad iyo itaal baan u tageersannahay dhallinyarta soo saaray maqaalkan.

    Guul amba geeri.

    Toldaaje.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: