
From HiilDanYare,To President Rayaale
Mudane Madaxweyne, maanta laba talo oo sida ii caadiga ah an kaskayga iyo kashkayga ka keenay oo haba yaraatee an cidnaba kala tashan, ayaa kuu taalla oo an kuu soo gudbinyaa inaad midkood qaadato. Labadaas talo waxay kala yihiin:
(1). Inaad Badbaadiso Xusbigaaga iyo Qaranka Somaliland.
Waxad ku badbaadin kartaa xusbigaaga iyo qarankaaga inaad qaadato qaraar geesinnimmo leh. Qaraarkaasi oo ah inaad xilka madaxweynimo iyo Guddoomiyanimo (UDUB) ad labadaba isku mar iska wareejiso ka hor intaanay dhicin doorashada xusbiga UDUB dhexdiisa, iyo doorashada heer qaran labaduba.
Taasi haddii ad yeesho waxa iman karta inuu xusbiga UDUB yeesho fursad (chance) uu ku gali karo loollan siyaasadeed, oo xitaa haddii uu guulaysan waayo, wali ahaan doonno xusbi lagu talo galo oo la tirsado. Sidaana wuxu ku noqon karaa waxa soo bixi doona musharaxiin cusub oo dar-dar cusub la yimaada. Dhinaca reer Hargeysa iyaga kubada u laag, oo haku loolamaan jagada madaxweyne hana soo kala baxaane. Dhinaca reer Awdalna iyaga dhexdooda kubadda u laag hasoo kala baxaane.
Tusaale, jagada madaxweyne xigeen ee UDUB, ha isku soo sharxo nin reer Boon ku leh raad, sida mudane ‘Xildhibaan xamaal’ iwm. Si uu ula tartamo musaharraxa madaxweyne xigeenka xusbiga KULMIYE oo ah Saylici, oo isaga lafrarkiisu Boon ku leh raad. Waanu ka daalnay reeraha Quljeed iyo kuwa Kililka ka yimid inay haddeed na hogaamiyaan, oo waanu nacnay maamulkooda ilaa iyo xade, reer Boon halla wareegaan ayaanu ku leenahay. !.
(2). Inaad burburiso xusbigaaga iyo Qarankaagaba.
Mudane madaxweyne, iyagoo maanta qaar ka mid ah xubanaha xusbigaagu ku andacoonayaan in dalku u baahan yahay badbaado qaran iyo is badal siyaasadeed oo deg-deg ah. Isla mar ahaantaana ay adiga kuu aanaynayaan dib u dhaca qaranka iyo xusbigaba, oo ay rabaan inay kugula loollaman xusbiga UDUB dhexdiisa. Inaad kusii adkaysato oo ad iyaga la gasho tartan, kaliya ma keeni doonto xusbigaaga UDUB oo burbura, balse waxay keeni doontaa Qarankan curdinka ah oo gabigiisuba qaddar jaba.
Taasina ma aha midda ad rabto, oo waxad rabtaa in lagugu xusuusto inaad noqoto madaxweynihii ugu horreeyay Ummadda somaliland ee diimuqraaddiyad ku daadaheeyay, diimuqraaddiyadna kaga degay dalkiisa iyo dadkiisa. Is casilaada madaxweyne Qaran diimuqraadi ah waxay bishaa badbaadada qarankaasi, waxayna bakhtiisaa dabkii burin lahaa isla qarankaasi.
Haddii sida ad sheegtay ad rabto inaad noqoto Oday soomaaliyeed oo dalkiisa nabad iyo ixtiraam kusii jooga, maanta ayay kuugu dhawdahay inaad usii tabaabulshaysato, oo ad xukunka madaxnimo iyo midka xusbinimo ad labadaba iska dhiibto.
Mudane madaxweyne, labadaas talo midkood ayaa kuu taalla. Waxanan filaynaa inaad qaadan doonto midda u roon badbaadada naftaada, gobolkaaga, xusbigaaga iyo qarankaagaba. Haygu noqon, ‘talo-waa’ labaad. !
Wa-Bilaahi Tawfiiq
HiilDanYare
Categories: Warqad Furan (Open Letter)
Taxanaha Sooyaalkii Ururada Dhainyarada Gobolka Awdal:Q13aad
Telesom:Yaanay Ku Tuman Xuquuqda Danyarta Taagta Daran ee Awdal