Xuquuqda Diwaan Galinta Uur Ku Jirka Somaliland: SHEEKO

Diwaan Komishan Qaran (Uur Ku Jir Somaliland)

Diwaan Komishan Qaran (Muwaadin Uur Ku Jir Somaliland)

Sheekadan waxay dhex martay ilmo yar oo caloosha ku jira  (UUR KU JIR) iyo shaqaale ka tirsan diwaan galinta. Sidan ayayna u dhacday:

 

Shaqaale:      Adeer magacaa?

Ilmihii:           Magacaygu waa Diwaan?

Shaqaale:       Aabahaa Magacii

Ilmihii:           Komishan

Shaqaale:       Awoowgaa Magacii

Ilmihii:           Qaran

Shaqaale:       Haa waxad tahay , DIWAAN KOMISHAN QARAN

Ilmihii:           Haa waa sidaas adeer

Shaqaale:      Goormaad dhalatay?

Ilmihii:          Goortii an calool galay

Shaqaale:     Goobteed ku dhalatay?

Ilmihii:         Goobtii  an ku calool galay

Shaqaale:     Halkeed imika deggan tahay?

Ilmihii:          Wali waxan degannahay caloosha Hooyaday, 

                       oo  waxan ahay uur  ku jir.

Shaqaale:      Ma wiil baad tahay mise gabadh?

Ilmihii:          Adeer midkeen kuula cod ekahay, midkeense kuula muuq ekahay, miyaad kala garan weyday cod rag iyo mid dumar ama muuq rag iyo muuq dumar?

Shaqaale:      Mayee adeer, dee codkii ubadkaad leedahaye, ma     wiil baan kugu qoraa mise gabadh

Ilmihii:           Adeer midkaad jeceshahay igu qor

Shaqaale:       Labadaba waan jeclahay adeer, laakiin sida magacaaga iiga muuqata wiil baan kugu qorayaa?

Ilmihii:           kkkkkkkkkkkkkkk; dee waaban ahay wiile adigaan wax arkayn waxna maqlayn.

Shaqaale:     Iga raalli noqo Adeer si fiican kuuma arkayee, maqalkana ilaa an dhegta kugu soo dhaweeyo waa igu dhibaato, waanse iska kaa fahmayaa.  Haye adeer hadaba halkeed jeclaan lahayd inaad ku dhalato?.

Ilmihii:         Waxan jeclaan lahaa inaan ku dhasho gobolada ictiraafsan xuquuqda diwaan glainta Uur ku jirka, sida Hargeysa ama Burco. 

Shaqaale        Adeer yaa warkaas ku siiyay?

Ilmihii            Adeer dee saxaafadda dalka ayaan wax ka akhristay, kana dhegaystay, kana daawaday.

Shaqaale:       kkkkkkkkkkkk , adeer mabaad dhalane goormaad wax akhriday waxna qortay. Maba dhalane dhawrtaysan ogaa…!!

Ilmihii:           Adeer ha u gafin xuquuqda Uur ku Jirka

Shaqaale:       Adeer xuquuqdaasi maxay tahay, wax ma iiga sheegi kartaa?

Ilmihii:          Xuquudaasi waxay tahay, in ilmaha uurka ku jiri hadli karo, wax qori karo, wax akhriyi karo, la diwaan galin karo,  codayn karo, wax dooran karo, lana dooran karo, maamulka dalkana laga qayb galin karo.

Shaqaale:       Waa tahay adeer,  iga raalli noqo haddaan qaldamay, ugu danbayse maxaad jeclaan lahayd inaad noqoto marka ad dhalato, maxaadse talo noo haysaa?.

Ilmihii:           Walaahi, isla marka an dhashaba waxan jeclaan lahaa inaan bilaabo halganka  XUQUUQDA DIWAAN GALINTA UUR KU JIRKA SOMALILAND. Isla marka an raad qaadana inaan cod iyo ciidanba u noqdo dhammaan Uur ku jirka meel kasta oo ay joogaanba, oo an awoodayda iskugu keeno sidii aynu maamulka dalka u hantiyi lahayn, ee la noo dooran lahaa waxna aynu u dooran lahayn.  

                        Gobolada an wali aqoonsan xuquuqda diwaan galinta uur ku jirka sida gobolka Awdal oo kale, iyagana waxan kula talin lahaa inay na aqoonsadaan, oo na siiyaan ictiraafka diwaan galinta uurku jirka.  Adigana Inkastoonan magacaaga haynin, hadana mahadsanid ayaan ku leehay adeer.

Shaqaale:       Adeer adigaa mudan, anigana magcaygu waa FARA TIRIYE QARAN, oo waxan ahay adeerkaa. Ugu danbayna waxan kaa rabaa inaad tobankaaga farood dhigto meeshan.

 

Ilmihii:          [Kadib markii uu faraha dhigay ayaa ilmihii yaraa wuxu bilaabayaa inuu Ooyo, wuxuna  ku ooyayaa isagoo leh ]: “Adeerkay Fara Tiriye, ayaa iga goostay farahaygii, oo raba inuu inankiisa ugu daro, ihiiiiiiimmmmmmm, way tola’ayeey,  haddaanan Aabahay  kuu sheegin”…………!!!!!!.

Shaqaale:       Adeer bees, bees hadaba, waan kaaa tagey, faro kaama goosan, iska aamus….!!!

 

……………….Sheekadan waxa curiyay HiilDanYare………………..

About these ads

Categories: Ila Qosol (Laugh with me), Warka (News)

1 reply »

  1. waad mahadsan tahay walaal waa sheeko yaab leh aad ayaan oga helay . waliagay ma maqlin ilmo uurka ku jira oo hadlaaya laakin hadaan maqlay .
    laaaaaaaaakiiiiiiiiiiin
    waaaaaaaaaaaaa
    lafahmay dulucda sheekada byyyy

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: