By Ibraahim Aadam Qaalib – Borama Awdal
Waa markii ugu horaysay ee aan maqaal ku soo qoro Afka hooyo. Waxaan akhristayaasha qaayahaleh u sheegayaa in aanan baxuur ku ahayn afka somaliga oo la igaga fiicanyahay. Intii aan ka maqnaa dalka afka somaligu horumar ayuu sameeyey oo isbedel ayaa ku dhacay. Waxaan isku dayi doonaa in ujeedada qoraalkan la fahmo.
Waa run in wadanka doorashooyin ku dhacay si nabad ahi ay ka qabsoomeen balse waxay ahaayeen kuwo si aad ah loogu noqnoqday. Wakhtigaas kadib waxaa bulshada ka soo baxaayey in wax laga badalo habka doorashooyinka. Waxaa arintaas iyaguna ku dhex jiray bulshada caalamka oo ku tirtirsiyaysay in loo gudbo hab doorasho oo xor iyo xalaal ah {free and fair election}.
Arrintaas in muddo ah ayaa laga doodaayey. Waxaana jirtay in had iyo jeer ay soo baxayeen iska hor imaadyo. Waxaa had iyo jeer dhexdhexaadinaayey Bulshada caalamka iyo akaadamiyada nabadda iyo horumarka oo geed dheer iyo ku gaaban ba u fuushay sidii wadankani ugu gudbi lahaa hab dawladnimo.
Waxaa la isku raacay in la sameeyo diiwaan gelin doorashooyinka ka hor si ay meesha uga baxdo khiyaamooyinka ay ka mid tahay ku celceliska codadka oo xad dhaaf ahaa. Waxaa la keenay khadka farta la mariyo iyo tooshash soo saaraaya qofkii hore u codeeyey. Khadkiina waa la iska masaxay, tooshashkiina waaba la jajabyey. Waxaa tooshashkaas jajabinaayey dadka ka shaqaynaayey goobaha si ay ugu sad buriyaan reerkooda.
Waxaa la bilaabay in komishan doorashooyin la sameeyo. Arrintaas in gelin ah ayaa la isku mari la’a. Waxaa lagu soo magcaabay hab qabiil, iyadoon la hubin in ay hawshaas ka bixi karaan. Dadkana looma xaq soorin si loo helo xubno ka bixi kara shaqdaas oo ah hawl adag uguna khatar san. Waxaana meesha ka baxay qabaail oo aan xubno ku lahayn, qabiilana waxay qaadatay qayb libaax.Waxaa iyadana xukuumadu diiday komishankii hore ee hawlahaas khibrada u lahaa.
Waxaa la bilaabay in la sameeyo sharciyadii. Waxaana la sameeyey sharcigii diiwaan gelinta. Arritaasi wakhti ayey qaadatay. Maaliyaddii ku bixi lahaydna waxaa bixisay beesha caalamka. Waxaana la qorsheeyey in laga dhigo mid loo adeegsado teknoloojiyada asriga ah. Waxaa la keenay kombuutarro lagu qaadaayo macluumadka goobaha iyo server la yidhi waxaa ay soo saaridoonan qofkii ku soo noqda.
Waxaa nasiib darro noqotay in lagu guulaysan waayey in dalka hal mar laga wada qabto diiwaan gelinta taas oo had iyo jeer ku xidhnayd hantida loo hayo oo amar keedana ay lahaayeen ururka ka wakiilka ah beesha caalamka ee maal galinaysay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu bilaabay gobolka saaxil, waxaana lagu xigsiiyey goboka Awdal. Arrintaas qorshaheeda komishanku wuu ku guuldaraystay oo wax waliba wuxuu faraha u galay dadweynihii oo iyagu bixinaayey kharashyada ku baxaayaa. Labadaas gobol ku celcelintoodu way sahlanayd balse goboladii ku xigay oo khibrad ka helay goboladii kale ayaa u galay si tira koob ah. Farihiina iskaba dhaafay. Waxaa la sajilay caruur aad u yar yar,
Waxaanay beesha caalamku meeshaba ku darsan dadkan kuligood u tafaxaytay in ay khiyaamooyinkan ku kacaan. Waxaa masuuliyadaas iska leh komisanka oo iyaguna ka qayb ahaa arrimahaas, diiwaangelintiina faraha ayey ka baxday.
Gobolada qaar kood waxaaba la waayey oo la xaday goobo badan daatahoodii (data). Waxaana nasiib darro ah nimanka sidaas ah sida logu aamini doorashooyin. Waxaa kale oo la yaab leh qaarkod oo ku doodaaya in la daayo kuwa aan faraha dhigin. Si kastaba ha ahaatee arrintu way murugsantahay
Arrintani waxay keentay in markii ugu horaysay dhawaaqyo soo baxayaan odhanaaya arrintani waxay khatar ku tahay jiri taanka soomaliland. Waxaanay ku sobobanayaan haddii aan la qaban karin wax horumar ah sidee ayuu dalkani ku heli doonaa ictiraaf , maxaase dhaxal aan uga tagaynaa ubad kayaga.
Waxaan aad uga xumahay in aan dadkani diyaarba u ahayn in ay horumar sameeyaan oo ay dhaga tirtay qabyaaladi. Dalalka aduunku midna hore uma marrin ilaa uu baabiiyey caadooyinkii xumaa. Waxaa dad badani leeyihiin in fursad la siiyo bal serverka la leeyahay waxbuu ka saarayaa. Waxaanu dadku ku adkaysanayaa in laga reebo caruurta, kuwa aan faraha dhigin iyo kuwa ku noqnoqday.
Ugu dambayn waxay arrintani haddii lagu guulaysan waayo ay runtii horseedi doontaa dhibaatooyin fara adan, arrintaasina inaka ayaa isugu wacan. Waxaanan qabaa in ay ku sax sanyihiin dadka leh haddii aynaanba diyaar u ahayn in aan horumar samayno maxaan isku dhibaynaa.

Categories: Warbixin (Report)
Haddii Aan Ogaan Lahaa Inay Xariirad Xaaladdan Ku Dambaynayso Waxan Odhan Lahaa Celiya Dadkan.
Af-hayeenka Madaxtooyada Oo Ka Warbixiyay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee Dalka UAE.
Qaylo Dhaan Kasoo Yeedhay Prof Dixood: Barakacayaashii Abaaraha, Oo Wali Ku Dacdarraysan Degaanada Lughaya, Iyo Deeqaha Qurba Joogta Oo An La Ogayn Meel Ay Maraan.
Qoraaga da’da yar ee Abdirisaq Mohamed Barkhad oo Cilmi baadhis ballaadhan ku ogaadey meesha ay ka qudhunsan tahay sarta reer Awdal.
Maalinta Jacaylka Iyo Mawqifka Muslimka: Warbixin Qurux Badan, By Jacfar Kuukaay
29 Guuradii Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Diyaaradaha Xabashidu U Geysteen Caruurtii Reer Boorama