Jacayl: Gabay Jacbur..!


War horta ninyahaw anigu waan jeclaadaaye
Gabadhbaan jeclahay oo i jecel mana jeclaadeene
Haddii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye
Ninkii ay jeclaatana  waa inuu jeclaadaaye
Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye
Jacaylkagya iyo keedu waa laba jeclaadoode

Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye
Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye
Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye
Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye
Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye
Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye
Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye
Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay
Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay
Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey
Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene
Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay.

Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammaantaaye
Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage
Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo
Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye
Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne
Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne

Dhallinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye
Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne
Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane
Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye
Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye
Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye
Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya
Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya
Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid
Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo

Waxan filaynaa inuu yahay gabayadii DHOODAAN.

 

About these ads

Categories: Ila Qosol (Laugh with me), Suugaan(Somali Literature)

3 replies »

  1. Wah wah aad ayaan ugu helay gabaygan waxan ka siyad saday murti iyo macano waxan jaclan lahaa inaad mid kale inoo soo diyaaridan

  2. Waaaaaaaaaaaaaaaw waa nice gabay waan ladhacay

  3. wow waaaaaa cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: