Muxaafidka Mustaqbalka iyo Mucaaradka Mustaqbalka

Ma moodi jirin inay xusbiga UDUB ku hadheen dad leh hadal karaanimo ama aftahannimmo,  balse waxa ku hadhay Maxamad Ismaaciil Bullaale oo ah xoghayaha guud ee xusbigaas. Dhinaca kale xusbiga KULMIYE waxa kolba ku soo biiraya dad midba midka kale hadal ku dhaamo, haatana waxa kusoo biiray mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, oo ah kooxdii QARAN.

Faalladan kooban, waxaynu ku eegaynaa nuxurka hadalada labadaas masuul, waa Mudane Bullaale iyo Mudane Caydiid. Hadaladaasi oo muujinaya sida labada xusbi midkoodna u yahay xubsiga muxaafidka ah ee mustaqbalka dalka hogaamin doona, midna u yahay mucaaridka mustaqbalka.

(1).     Mudane Bullaale

Aynu ku horreyno xoghayaha guud ee xusbiga UDUB, mudane Maxamad Ismaaciil Bullaale, oo munaasabad xisbiga  UDUB qabsaday dhawaan kaga hadlay arrimo dhawr ah.  Isagoo u dan leh labada xusbi ee dhawaan is bahaystay QARAN iyo KULMIYE,  kana biya diidsan sida ay labadaas xusbi ee isku biiray isku cajabiyeen,  ayaa hadaladiisa waxa ka mid ahaa:

“Gubadkaan gubi doono, Biciidka daaqi doona, ee aan Gani doono, Suunkaan ka jeexi doono Sabeentaan siin doono, Sumalkay dhali doonto Subagaan ka shiili doono, Adigaa dhalayaa dhan, waar Adaaganayee cab, horta Anigu sheekada Kulmiye iyo Qaran taas ayaan dhaafin waayay, Dastuurka Somalilandna looma furi karo dano koox yare yaan lacaayin caqliga ummadan ”

 

Docda kale isagoo burinaya  baanihii badnaa ee Mudane Muuse Biixi dhawaan ka jeediyay xafaladdii isbahaysiga labada xusbi, ee aadkana loo dhegaystay, ayaa Bullaale wuxu yidhi:

“Eray ayaa jira (Muuse Biixi) yidhi, oo odhanaya Maxkamad hala taago Taliyaha Booliska, Wasiirka Daakhiliga iyo Madaxweynaha, dadka Maskaxdiisu way kala duwan tahay, markaa Annigu waxaan u macnaystay, halkaa in xogi qaraxyadii ku saabsani halkaa ku jirto, oo macneheedu yahay Idinka ayaa la idiinku talagalay falkaa, haddaad ka badbaadeen waa in Maxkamad la idinsaaro oo la idin xidh-xidhaa.”

 

(2).     Mudane Caydiid

Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, oo isaga aynu hadaladiisa ka dhegaysannay Idaacadda Horyaal kadib kulankii labada xusbi isu bahaysteen. Ayaa wuxu u muuqdaa inuu yahay nin fogaal arag ah (far sighted) oo siyaasadda Somaliland ka gali doona baal xusid mudan.

Caydiid isagoo ka hadlaya, hadalkii Madaxweyne Xigeenku ka jeediyay munaasabadii ciidda, ayaa wuxu yidhi:

“Madaxweyne ku xigeenkeenu dorraato maalintii salaadda la tukanayay wuxu ku qoray jaraa idka oo qudbaddii ku daray,  carruur xamar qabatay, waalidkood intaanaan u yeedhin  hanoo yimaadaanbuu yidh!. Waxan xusuusin lahaa inuu ku daro, haba u yeedhoo ha u warramaane, waalidkii lix iyo tobanka/todaba iyo tobanka sanadood carruurtooda jaamacaddaha kasoo saaray ee Hargeysa iyo Burco iyo Booramaba ku nool ee Badda isku tuuray, inuu iyagana u yeedho, oo yidhaahdo maxaa carruurta badda galiyay?.”

 

Mudane Caydiid mar uu ka warramayay sobabta ay KULMIYE ugu biireen wuxu yidhi:

“Xusbiga KULMIYE wuxu kaga duwanyahay xusbiyada kale, waxa weeyi Diimuqraaddiyaddu halka ay ka marayso……waxa ka marag kacay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay oo yidhi, xusbiga KULMIYE wuu soo doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen uga qayb gala doorashada Dalka”

 

(3).     Gabagabo Iyo Gunaanad

Waxaynu faaladeenan kooban kusoo gabagabaynaynaa; in xusbi xaakinka dalka Somaliland, xisbiga UDUB, uu ku hadhay xoghaye kaliya oo  hadli kari, balse xusbiga KULMIYE, keensaday kummannaan xoghaye oo hadal karaan ah.

Hadal karaanimada xoghaya guud ee xusbiga UDUB ayaa iyadu ah mid la moodo inaysan ku salaysnayn siyaasad qoto dheer oo muujinaysa Mabda’a xusbi xaakinka. Balse la moodo inay ka tarjumayso sasmada iyo shakiga uu xusbigani ka qabo sii haynta maamulka dalka, iyagoo ciddii hadashaba farta ku fiiqiya oo moodaya inay ku lug lahaayeen Qaraxyadii Hargeysa.

Docda kale, hadal karaanimada mudane Caydiid oo dhawaan kusoo biiray xusbiga KULMIYE iyo masuuliyiinti kale ee isaga kasii horreeyayba ee isla xusbigaas ku jira, ayaa iyaduna waxay muujinaysaa dareen siyaasadeed oo leh kasbasho iyo karti dheeraad ah.

Si kastaba ha ahaatee;  waxa la odhan karaa xusbiga UDUB wuxu noqday xusbi ku jira weerar, halkii ay ka gali lahaayeen difaac, oo difaaci lahaayeen hadafkooda iyo himiladooda siyaasadeed maadaama ay yihiin xusbi xaakinkii dalka. Taasina waxay muujinaysa in xusbigani noqon doono mucaaradka mustaqbalka. Guul xusbigani u soo hooyo dalka somalilandna waxa ugu danbayn doonta midda diwaan galinta oo lagu xusuusan doono, maadaama xitaa  uu DhanXiir laftarkiisu is  diwaan galiyay.!

Halka xusbiga kulmiyana ku jiro difaac, oo muujinaysa inuu noqonayo Muxaafidka mustaqbalka hogaamin doona talada dalka, oo si fiican iskugu diyaarshay hawlgalkaasi. Guul xusbigani KULMIYE u keeno dalka waxa ugu horreysay shirarkii u qabsoomay ee diimuqraaddiyada ku dhisnaa, waxana ku xigi doonta dhawaan markay la wareegi doonaan maamulka dalka, ee Bullaalana iyaga kusoo biiri doono. 

Abdiqani Ateyeh (HiilDanYare)

hiildan@yahoo.com

 

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: