engsaylici1.JPGWalaalayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa,su aal markaste maskaxdiinu is weydiiso markaad maqashaan magaca musharaxa Madaxwayne Ku xigeenka Xisbiga Kulmiye  Eng.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.

Su’aashaasoo ah waa kuma Eng.c/raxmaan cabdilaahi zaylici kuna soo dhawaada su aashaa jawaabteeda.

Dabeecad wanaagsan iyo
Edaab lagu dayan kariyo
Dadaal iyo hawlkarnimo
Dadkeenu haduu tartamo
Da’diisoo toban dhameyn
Ayuu aadmigu dugsadey

Ilaa doorkiyo wakhtigan
Xilkii kama daahinoo
Dantiisa ma seeginoo
Aleylahe darajo gaadh
Dadweynuhu wada amaan
Ilaahbaa deeq baxshee
Daqiiqad qofkey kulmaan
Ducuu ku sagootiyaa
Dariiqa rasuulka iyo
Digriga eeba iyo shahrciga
Salaad walba waa diyaar

Dab uu shidey laguma guban
Wanaaguu doojiyaa
Dadkii reer Awdalbaa
Daraadii sare  kacoo
Dalbaadagey oo ku yidhi
Masuulnimo daacad iyo
Cilmuu nagu deeqayoo
Ducaanu ku hoorinee
Wixii dhiman noogu dira.
engabdirahman-saylici2.jpg
Musharaxa M/Xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng.Saylici

Hadaba wuxuu ku dhashey magaalada taariikhda dheer leh ee Zeylac ee gobolka Awdal dhamaadkii sanadkii 1956  sidaas ayaana loogu bixiyey magaca uu caanka ku yahey ee Zeylici,waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxuu ka dhameystey magaalada Zeylac,dugsigii dhexana wuxuu ku dhameystey magaalada Boorame oo markii danbe u soo wareegay,dugsigii sarena wuxuu ka qalin jabiyeydugsiga sare ee farsamada gacanta ee  magaalada Hargeysa sanadkii 1979.

1980-1988 Eng. Zeylici wuxuu ka soo shaqeeyay kana mid ahaa hormoodka shaqaalaha shirkadii caanka aheyd ee la odhan jirey(walaalaha Boorame),shirkadaas oo ku caan baxdey dhismaha guryaha iyo ganacsiga,shirkadaas oo qayb libaax ka qaadatey horomarinta gobolka Awdal iyo guud ahaanba dalka,Shirkadaas oo ing. Zeylici ka ahaa maareeyaha guud ee hagayey,ama udub dhaxaadka u ahaa.

Sanadkii 1989 Eng.Zeylici wuxuu ka mid ahaa dadkii gacanta weyn ku lahaa dhismihii iyo sameyntii garoonka diyaarada ee magaalada Boorame,garoonkaa oo kaalin muuqata ka qaatey isku socodka dadweynaha iyo horumarka gobolka Awdal magacna u soo hooyey gobolka iyo guud ahaanba dalka maansadan ayaa tibaaxeysa.

Sidii Awr Dabar Ku Xidhan
Dadkoo Wada Hoganayoo
Dabnaha Lays Dhaafiyoo
Hareeraha Aan La Dayin
Dabuub Lagu Meelmariyo
Dabiib Iyo Maare Jirin
Ninkaan Dib U Maaginee
Farsamo Nagu Deeqayee
Diyaariyey Eeribood
Diyaarado Soo Galaan
Dajiye Sow Muu Aheyn (Eng.Zeylici)
35sawir.JPG

Eng.Zeylici Oo Sharaxaad Ka Bixinaya Hotel Reys

Sanadkii 1990 Eng.Zeylici waxaa lagu xusuustaa taariikhduna makhraati u tahey kaalintii uu ka galey Markey talo faraha ka haadey ee khatartii ugu weyneydna la soo daristey dadka reer Awdal khatartaas oo aheyd markii umada reer Awdal jiha kaste laga soo xidhey ee ay waayeen meel ay wax kala soo dagaan cir iyo dhulba taas oo aheyd wakhtigii dagaalka sokeeye,markii la is weydiiyey maxaa xala,ayuu Eng Zeylici ahaa ninkii furey ee bilaabey  inuu wax ka soo dajiyo kana dhoofiyo dikadaha dabeeciga ah Lughaya iyo Zeylac wuxuuna ahaa ninkii u horeeyey ee qoriciideedka u dhigey doontii ugu horeysey ee wax ka dhoofisa xeebaha gobalka Awdal,wuxuuna horsed u noqdey dhaqdhaqaaqii nolosha ee badbaadiyey dadka reer Awdal xiliyadii ugu dhibaatada badnaa maansadan ayaa cadeyneysa

Dagaalkii Fool Xumaa
Dilkiyo Boobkii Iyo Dhacii
Difaacii Iyo Weerarkii
Dadkoo Wada Yaabanoo
Daruuriga Laga Xayiray
Muwaadinka Daacad Ihi
Xaqiiqada Kama Durkee
Dariiquu Furey Ninkey
Bulshadu Dabo Joogsatee
Waxqabad Lagu Dayankariyo
Aqoon Nagu Daadahshee
Maraakiib Noo Dalbadey
Lughaya Doonyaha Ka Rarey
Dajiye Sow Muu Aheyn (Eng.Zeylici)

Sanadkii 1993 Eng.Zeylici iyo adeerkii Xaaji Xasan Xadi Qayaad waxay baal dahab ah kaga xusan yihiin kaalintii ay ka qaateen qabsoomidii shirkii dibuheshiisiineed ee beelaha wada degen Somaliland,iyagoo u hurey hantidoodii dibudhiskii madashii shirka lagu qabtey oo noqdey Dugsiga Sare Ee Sh.Cali Jawhar taas oo ay gaar ku ahaayeen isaga iyo adeerkii X.Xasan Xadi oo aheyd dayactirkii iyo dibu habeyntii madasha shirka,madashaas oo aheyd tii ay kasoo maaxdeen go’aamadii dhaxalgalka ahaa ee dhidibada u taagista haykalka dawladeed ee jamhuriyada Somaliland,iyo turxaan bixintii beelaha Somaliland,oo horseeday nabada iyo horumarka umada Somaliland manta ay ku naalooneyso,arintaas oo Eng.Zeylici uu yahey dadka magac iyo maamuus ay ugu hayaan dadka reer Somali land gaar ahaan dadka reer Awdal

Dabeyshii cudurka iyo
Duufaankiyo aafadii
Colaadii digo gubley
Dadkii wada suubanaa
Dugaaga Markey noqdeen
Danniga baas laysku diley
Darxumo faankeedu dhacey
Qabiiladu kala durkeen
Duqeydii sare kacdiyo
Ragii samadoonadii
Markii daawada la rabey
Darmada meeshii la dhigey
Ninkii duunyada u hurey
Hormood kii daacadii
Dajiye sow muu aheyn (Eng.Zeylici)

Sanadkii 2003 Eng.Zeylici waxey shacabka Boorame  u doorteen xildhibaan golaha deegaanka Boorame isagoo kaalin mugleh ka qaatey dhinacyada horumarka iyo sayaasadeed ee deegaanka Boorame laguna yaqaano inuu yahey nin dantiisa gaarka ah ka hormariya danaha guud,mana jiro cid kaga bakheyleysa inuu leeyahey sifaha kor ku xusan.

Dandiisa nimaan aqoon
Dadaal iyo hawlkarnimo
Asaagii lama dagee
Dayaxa nimankaa u baxey
Dad muuqda waxay noqdeen
Markey run u daadageen
Hogaamada dawladnimo
Dagmada hoosa iyo salkiyo
Deegaamo ka soo dhiseen

Inana taa kama durkine
Markuu damacaasi yimid
Distoor iyo xeer la qoro
Dadkeenu awood u helay
Haldoorka iney xushaan
Ninkey dumar iyo caruur
Duq iyo waayeel tukuba
Dhamaan wada doonayeen
Dajiye sow muu aheyn (Eng.Zeylici)
engsaylici.JPG
Maareeyaha Shirkada (SHABA);Eng.Zeylici

Sanadkii 2003 Eng.Zeylici wuxuu hormood ka ahaa abaabulkii shirkada cusub ee biyaha Boorame maamul ahaan,shirkadaas oo noqotey shirkadii ugu horeysay ee adeega bulsho hirgalisey(puplic Private partnes ship),ilaa maantana u taagan,hormoodna u noqotey kaga dayashada shirkadaha wadaaga ah,oo laga guurayey nidaamkii gaboobey ee biyo helista Boorame taas oo soo jiitamayey ilaa wakhtigii ingiriiskii iyo dawladihii ka danbeeyeyba arinkaas oo hore loo arag iney dadweynaha Boorame ka haqab beelaan biyaha ka hor intii aanu hirgalin Eng.Zeylici fikirka cusub ee midho dhalka ah.taas oo lagaga baxay hooyadii dhaxanta wareegi jirtey iyodameerihiisaqda dhexe la guurin jirey iyagoo biyo raadinaya,taas oo banaanka soo dhigtey in aaney jirin biyo la’aani laakiin ay jirto talo xumo,kaasoo uu Eng.Zeylici ku guuleystey inuu daboolka ka qaadey barwaaqadii umada ka daahneyd sidaana uu ku noqdey,looguna doortey maareeyaha guud ee shirkadii adeega bulshada ee (Shaba).

Dhaxantii dareyd iyo
Dufka iyo qabowgii
Sheekhoona daakirin
Dumarkii kalihi jirey
Danaga iyo kooraha
Dameeraha larari jirey
Foostada dariiqyada
Lays daba dhigaayiyo
Durkiya iyo riixdii
Daraad bay I igu geftiyo
Heblaayaa I damacdeydii
Dareewalka booyadiyo
Haweenkii diriri jirey
Tayduu ka dul boodey iyo
Cid buu  daneeyeydii
Wixii eed iyo dakane
Duruufuhu keenayeen
Ninkii dabar gooyayee
Biyaha deeqsiiyayee
Derkuu xidhey laga cabee
Ducada labanlaab u helay
Dajiye sow muu aheyn (Eng.Zeylici)

Waxaa kaloo xusuus mudan,taariikh lama ilaawaanana uu ku leeyahey dibudhiskii wadanka,gaar ahaan gobalka Awdal isagoo gacan ka geystey dhinacyo badan oo kala ah dibudhiska ,toosinta jidadka Borame iyo guud ahaan bilicda magaalada Boorame,sidoo kale wuxuu qayb libaax ku lahaa mashaariicihii horumarineed gobolka Awdal sida ,caafimaadka,isgaadhsiinta iyo waxbarashada wuxuuna yahey nin had iyo jeer u heelan horumarinta waxyaabaha bulshada taabanaya oo ay ugu weynayd jaamacad Camuud  hormoodna uu ka ahaa ragii u hurey maskaxdoodii iyo maalkoodii jaamacada Camuudeed sidaana ay umada reer Awdal abaal lama ilaawaana ugu hayso

Qabyaaladu waa duliye
Hadaan dayo xaaladii
Dadweynuhu soo mareen
Markii damac foolxumiyo
Ibliis dabin loo galee
Dubaha weyn laysla dhacey
Dibaabado laysku ridey
Dhaqaaluhu hoos u dagey
Dalkii dhaawucu ku yimid
Ninkii dib u soo dhisee
Bulshada danaheeda kabey
Dajiye sow muu aheyn (ing.zeylici)

Cilmigu inuu daawo yahey
Dabiib lagu baahi baxo
Dadkiisu hagaaag u koro
Dulmiga ay kaga gudbaan
Qabiilkana daadiyaan
Halyey diracaa gartee
Ragii lagu diirsadee
Dalkeenoo wada mugdiya
Dabkaa lagu soo hirtiyo
Camuud nuurkaa dulsudhan
Darkeeda aqoonta xidhey
Dajiye sow muu aheyn (Eng.Zeylici)

Bulsheey deeleyda gabey
Dabuubteediyo murtidu
Runtii waxay daaran tahey
Tilmaan lagu doogsadiyo
Dadkoo xumo looga digo
Dadaal weeyaan murtidu
Xaqana daacad u ahow
Hanbada nacabkaag diid
Dulmane yaan lagugu xaman
Nimaan xumo diidi Karin
Dushana dhagax loogu raro
Sinnaan darajo u jeclow
Wanaag doobiga u culo

Docdaada hadey martiyi
Habeen kugu soo degtana
Dermada saantaada fidi
Halyeey deeqsiya ahow
Inaad tahey ruux damqada
Bakheylnimo diida yidhi
Dhanbaal deeqda ugu sheeg

Ibleeys nimuu duufsadiyo
Xamdiga doqontaan aqoon
Markey dalab kaa urshaan
Damane aan dhiig laheyn
Xaqiisu dariiqa yaal
Hacoo diidada aqoon
Dugaagiyi haadku cuno
Jawaab deymale ka sii

 

Ado samo diid aheyn
Dawee hadalkuu lahaa
Danbaaburo qiiqda noqo
Digniin hibasho leh u celi
Abaar iyo dooxatada
Degmadu ay yaaban tahey
Duxiyo reeys aanu jirin
Jiilaal iyo deyr is xiga
Daruuruhu baaqsadeen
Dadkuna qirinqiir ku jiro
Horseed kii daacadaa
Runtii sahan loo dirtaa
Dadkaagana laga xushaa

Warkiyo dabayaaqadii
Bulshooy mahmaah da’weyn
Duqeydii hore laheyd
Dadkeenu wuxuu yidhaa
Docdiisa ninkii astura
Ayaa jaarkana ku dara

Rageynadu waa dantee
Markaad damac yeelatana
Habeen iyo duhurba soco
Shakina yaan lagugu diddin
Dubaakhaaga iyo naftuba
Runtii waxad damacsantahey
Daleeda iyo madasha keen
Dabeecadu waa hide
Naftana daacad u ahow
Damiirku waxa uu ku faro
Dulqaadka adoonan lumen
Dantaada hogaan ku xidho. 

Daahir Xuseen Warsame (BIlaawe Cade) Diyaariye
Quraab Muuse Cali  Abwaan
Xasan Xaashi Dharaar ( Shabeel) Abwaan