Carruureey Maalin wanaagsan, Kuna soo dhawaada sheeko xarriiro.
Sheekadeena maantu waxay ku saabsantahay wiil iyo gabadh been iyo faan badan oo maalin maalmaha ka mid ah kulmay, iyagoon is aqoon. kadibna waxay isku buufiyeen bahashii lagu yaqaanay ee Been iyo faanka ahayd. Sheekadan gaaban ayaa dhex martay:
Wiilkii: Gabadhyahay magacaa, meesheed ka timid, meheradaadu maxay tahay?
Gabadhii: Magacaygu waa Marwo Muna Moonlight, waxan ahay cirbixyeen, dayax gacmeed an waday ayaa samada ku caddilmay, dabadeena halkii ayaan kaga soo tegay oo dhulkaan aayar uun iskaga soo daadegay.
Wiilkii: Walaal waa magac fiican, barasho wanaagsan Marwo Moonlight, meherad wanaagsana waad haysataa maanshaa allaah,. Hase yeeshee mashaakil yarbaa ku qabsaday waanan ka xumahay. Balse markaad samada ku cadilantay, hadana sideed dhulka kusoo gaadhay, maxaad soo raacday.?
Gabadhii: Waxba walaal haka xumaan, waa iska caadi, cirka waan kasoo degay oo dhulkaan ayaar ugu soo dhaadhacay anigoo iska lugaynaya, oo waan iska soo xaash-xaashay…. caadi… Ilaahaybaa ii sikhiray. Adna wiilyahow ii warran, magacaa, meesheedse ka timid, meheradaaduna maxay tahay?.
Wiilkii: Magacaygu waa Mudane Dhulmaax Badmaax Cirmaax. Waxan ahay boqorka boqorrada, dhulka iyo wixii ku noolba, Aabayahna wuxu u sarreeya wixii Badda mara oo dhan; Awoowgeeyna waa sarreeyaha cirka sare. Ilaahay ka sokow, cid qooyskayga ka sarraysi ma jirto. Dayax gacmeedkas ad samada kaga soo tegtayna haddaan si dhakhso leh kuugu hagaajinayaa oo isagoo dhamaystiran an dhulka kuugu soo celinayaa.
Gabadhii: Maanshaa Alaah, ‘Dhulmaax Badmaax Cirmaax’, barasho wanaagsan walaal, aad baan ugu bogay warkaagaas. Waxanse ku weydiiyay walaal sideed u samayn kartaa dayax gacmeedkayga iga caddilmay, sideedse dhulka ugu soo celin kartaa?
Wiilkii: Waa iska caadi, sidaan kuu sheegay inta cirka joogta waxa u sarreeya awoowgey Isagaa ciidankiisa u diri doona, kadibana intay dayax gacmeedka soo sameeyaan, oo dabadeena buqshad yar kusoo ridaan, ayay samada iiga soo tuurayaan, markaasna anoo dhulka uga wakiil ah, oo dhulka jooga ayuunbaan aayar u qabani doonaa. Markaasna isagoo duudaban oo aad loo sameeyay ayuunbaan dee gacanta kaaga ridi roonaa….no worries….caadi..!.
Carruurreeey; iyagoo wali sidii u sheekaysanaya oo an is ogayn inay durbadiiba soo gaadheen magaaladii, mar danbe ayayna is arkeen halka ay joogaan. Mar alla markii ay is ogaadeen inay magaaladii soo gaadheena, waxa kale oo ay arkeen dadkii magaalada oo indhaha iska qabanaya aragtidooda, kana sii wada jeesanaya. Iyagoo yaaban ayaa waxay soo gaadheen, wiil iyo gabadh meel jooga, dadkuna aad u ixtiraamayaan. Balse hadana markay iyagu soo gaadheen ayay dadkii meesha joogay hadana meeshii ka kala yaaceen, kaliya waxa ku hadhay wiilkii iyo gabadhii la ixtiraamayay ee dadku dhagaysanayeen. Wiilkaas iyo gabadhaasi waxay ahaayeen RUN iyo GARAAD. Kadibna labadii isla socday (Been iyo Faan)ayaa waxay weydiiyeen Run iyo Garaad, sobabta dadku uga yaacayaan ee indhaha iskaga qabanayaan.
Run iyo garaad ayaa waxay weydiiyeen labadoodii: Bal hadda inay isku fiirsadeen inay dhar sidatiin iyo inkale?. Hase yeeshee markay iyagu isku fiirsadeen waxay isku arkayeen inay dhar sitaan, oo waxay yidhaahdeen, “ dee dhar waanu sidanaaye maxaa kale oo naga maqan?”.
Kadibna Run iyo Garaad, ayaa waxay u soo qaadeen muraayad weyn, oo waxay ku yidhaahdeen bal muraayaddan isku daawada.
Carruureey; markay muraayadii iska dhex arkeen ayaa wiilkii iyo gabadhii isla socday waxay iska dhex arkeen iyagoo gacan iyo mudh ah, oo qaawan, mutulug.!!!. Kadibna ashqaraar iyo amakaag ayaa u yimiday, midba midka kale ayuu indhaha iska qabtay, oo way isku xishoodeen. Intaasi kadibna wiilkii iyo gabadhii ay ugu yimaadeen magaalada ayay weydiiyeen sobabta ay waxani u dhacday, iyo wixii talo la siin karo, iyo cidda ay iyagu yihiin ee siisay ixtiraamka iyo culuunta badan.
Wiilkii iyo gabadhii magaalada loogu yimidday ayaa ugu jawaaba; anagu waxan nahay GARAAD iyo RUN, idinkuna waxad tihiin BEEN iyo FAAN. Ilaa iyo inta labadiinuna ad runta sheegaysiin, isla mar ahaantaana midkiinba midka kale u qirayo waxa runta ah iyo magaca runta ah ee uu leehayahay, sidaas ayuunbaad u qaawanaan doontiin, dadkuna idiinka carari doonaan.
Carruureey; wiilkii iyo gabadhii Been iyo Faan, talo way ku ciirtay waxayna aakhirkii ku heshiiyeen inay runta iska sheegaan, iskuna sheegaan. Gabadhii waxay tidhi anigu waxan kuu sheegayay Been, oo waxan ahay Been. Wiilkiina wuxu yidhi, “aniguba waan kuu faanayay oo waxan ahay Faan”. Waxayna ku ballan qaadeen inay dib danbe been iyo faan dadka ula tagi doonaan. Sidaasi markii ay yidhaahdeen ayay hadana muryaaddii mar labaad isku fiirsheen, waxayna iska dhex arkeen iyagoo labbiskoodii caadiga ahaa iska sita, dadkii magaaladuna kusoo noqdeen oo salaamayaan.
Carruureey; sheekadeena maanta halkaas ha innoo joogto, iskana jira beenta iyo faanka, qofkii ad ku aragtiina iskaga carara, sobabtoo ah qofkaasi wuu qaawan yahay, ismana arkayo, waxase arkaya idinka iyo dadweynaha intiisa kale oo ah muraayadda wax lagu daawado.
Carruurrey Nabad iyo Caano. !
Sheekadan waxa curiyay: HiilDanyare
Categories: Maaweelada Carruurta (Stories for Children)
Roob Dab Ah iyo Dameer Ku Qoslay…!!!
Yaa Dilay Madaxweynaha?: Qaybta 3aad
Yaa Dilay Madaxweynaha.?: Qaybta 1aad