Jabaan, Haweenay ku noolayd Nin Gulucdiisa: Japan woman lived in man’s closet

 

Dalka Jabaan Haweenay ku noolayd Nin Gulucdiisa

 

Dalka Jaban ayaa waxa lagu xidhay qof dumar ah oo ku noolayd  guri nin leeyahay isaga oo an ogayn.

 

Ciidamada bulayska ayaa waxay ogaadeen inay haweenayda magaceeda la yidhaahdo Tatsuko Horikawa oo cimrigeedu yahay 58 jir, ay ku noolayd guluca yar ee loogu talo galay in  wax lagu kaydsado oo ka mid ah guriga ku yaalay koonfurta magaalada Fukuoka.

 

Gurigana waxa iska lahaa nin 57 jir ah, ninkaas ayaa wuxu  shaki ku dhashay kadib markii cuntooyin ka maqnaadeen talaagadiisa. Sidaa daraadeedna wuxu guriga ku xidhay qalab lagu daawado, qalabkaas ayaana filim ka duubay ruuxan dumarka oo guriga dhex wareegaysa inta uu ninka lihi maqanyahay.

 

Hadaba maalintii Arbacadii ayuu bulaysku guriga baadhay helayna haweenayda ku jirta gulucdii yarayd ee aqalka. Furaash yar ayay dhigatay meeshaasi ayuu buleysku. “Waxayna buleyska u sheegtay inaanay haysan meel ay ku noolaato”.

 

Wakaalada wararka ee Faransiiska ayaa waxay ka soo xigatay mid ka mid ah kooxdii nabad galyada ee haweenaydaas soo xidhay oo leh:  “waxay u muuqataa inay meeshan ku noolayd muddo ilaa hal sano ah, balse an ahayn wakhti kastaba”.

 

Translated from BBC World News by Ateyeh

 

 

 

 

Japan woman lived in man’s closet

 

A woman has been arrested in Japan for sneaking into a man’s house and living in his closet without him knowing.

 

Police found 58-year-old Tatsuko Horikawa living in a small storage space in the house in the southern city of Fukuoka.

 

The house belonged to a 57-year-old man, who had become suspicious after food disappeared from his fridge.

 

So he installed a surveillance system, which filmed the woman as she walked around in his absence.

 

On Wednesday afternoon police searched the house and found the woman in her cubby hole.

 

She had brought a mattress into the tiny space in the closet, police said.

“She told police that she had nowhere to live,” the French news agency AFP quoted a local police spokesman as saying.

 

“She seems to have lived there for about a year, but not all the time.”

Source BBC World News

About these ads

Categories: WorldNews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: