|
LAMA GOOYO LAANTA KU HAYSA.
Carruureey; Subax wanaagsan.!!!
Carruureey; beri hore oo hore, ayaa waxa jiray nin maan gaab ah oo meel dheer an ka fikirin, kana fiirsan waxa uu falayo.
Carruurey; maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxu damcay inuu geed kasoo goosto laan ku taallay. Geedkii ayuu koray dabadeedna laantii uu rabay inuu goosto ayuu ku fadhiistay oo gudintii ku garaacay….gaw—gaw…gaw….iwm .!!!.
Carruureey; Maangaabkii oo laantii uu ku fadhiyay garaacaya ayaa waxa meesha soo maray nin waayeel oo khibrad badan. Ninkii khabriika ahaa ayaa dabadeed waraystay ninkii maangaabka ahaa oo weydiiyay sobabta uu geedka u fuushan yahay , laanta uu ku fadhiyana u garaacayo.
Carruureey; ninkii maan-gaabka ahaa ayaa ugu jawaabay ‘dee waxan rabaa inaan gooyo laantan an ku fadhiyo’. Kadibna, odaygii Maan-garadkii ayaa ku yidhi, “War laanta ku haysa,ee ad u cuskanayso, haddii ad gooyso, way kula jabi doontaayoo adna waad ka dhiciye, laan kale goo”
Carruureey; ninkii maan-gaabkii waxba kama dhegaysane wuxu ku yidhi odaygii maan-garadka ahaa, “dee waar orod na dhaaf oo taw dheh, wax waalan baad tahaye’.!!! Kadibna odaygii maan-garadkii wuu iskaga dhaqaaqay oo socodkiisii iska sii watay.
Carruureey; cabbaar yar dabadeed ayaa waxa dhacay in laantii lasoo jabtay doqonkii maangaabka ahaa , isaguna uu dhulka kusoo dhaco oo dawakho, dhaawacna gaadho. Markii dawaakhadii iyo xanuunkii ka yaraaday, ayaa wuxu xasuustay ninkii u digay ee ku yidhi laanta ku haysa ha gooynin way kula jabiye. Kadibna wuu ka daba cararay oo soo gaadhay odaygii isagoo dhaawac iyo nabaro ku yaalaan.
Carruureey; ninkii maan-gaabka ahaa ayaa dabadeed wuxu ku yidhi ninkii maan-garadka ahaa; “War waxabad tahay nin Ilaahay soo diraye, oo og waxa tegay, iyo waxa jooga, iyo waxa soo socdee, dee bal nin yahow ii sheeg, goorta an dhiman doono”.!!!
Carruureey; odaygii maan-garadkii ayaa isagoo qoslaya oo la yaaban caqli xumida miskiikaasi maanka gaaban haysata, ayaa si kaftan ah ugu yidhi: “waxad dhiman doontaa, maalinta dameerkaagu aad u ciyo, ee ordo, ee dabada cirka u taago. !!!
Carruureey; iyadba waa quduree, ninkii maan-gaabkii wuxu sugay maalinta dameerkiisu aad u ciyi doono ,ee dabada kor u taagi doono. Bal iyadna waa xujee, kadibna maalintii ayaa timidday oo wuxu arkay Dameerkii oo aad u ciyaya oo ordaya oo dabada taageya..!!!. Ma Dameerbaa dayni inuu ciyo?.!!
Carreereey; maan-gaabkii, markuu arkay calaamadihii dameerka oo la mid ah calaamadihii ninka maan-garadka ahi u sheegay, ayaa wuxu iska aaminay inay tahay maalintii lasoo doonay dhimanayayna. Kadibna cidiyihii ayuu iska guray, timihiibuu iska xiiray, wuu soo qubaystay, kafan ayuuna isku xidhay, oo wuxu iska hoos jiifsaday geedkii weynaa ee markii ugu danbaysay uu ka soo dhacay.!!!!
Carruureey; qofkii kasta ee geedkii soo ag mariba wuxu weydiiyaa Maan-gaab, bal inuu u sheego magaciisa, iyo meesha waxa dhigay iyo halkuu ka yimid. Maan-gaabna wuxu ugu jawaabaa: “markii an noolaan jirey, magacayga waxa la odhan jiray maan-gaab; markii an noolaan jirey gurigaygu wuxu ku ooli jiray meel heblaayo, markii an noolaan jirey, xoola yar baan lahaan jirey..iwm..iwm.!!!.
Carruureey; wali maan-gaab wuxu isku haystaa inuu dhintay, oo geedkii ugu danbeeyay ayuu iska hoos jiifaa, hadana qofkii la hadlaba wuxu ku leeyahay markaan noolaa sidaa iyo sidaa ayaan ahaan jiray oo wuu hadlayaa. Nin dhintay oo hadana hadlaya..!!!!!
Carruureey; hadal iyo dhammaantii, had iyo jeer la tashada dadka maan-garadka ah ee meel dheer wax ka arka, kuwa maan-gaabka ahna ka fogaada. Maxaa yeelay qofka maan-gaabka ahi xitaa gurigiisa ayuu gubi karaa, wuxuna gawrici karaa naftiisa, iyo dadka ehelka iyo qaraabada ugu xiga intaba, isagoo moodaya inuu dad kale iyo naf kale wax u dhimay ama tahay wax iska caadi ah, illeyn wuu kas liitaaye.
Carruureey; Sidaa Iyo Nabad Iyo Caano. !!!
HiilDanExpress
|
Categories: Maaweelada Carruurta (Stories for Children)
Roob Dab Ah iyo Dameer Ku Qoslay…!!!
Yaa Dilay Madaxweynaha?: Qaybta 3aad
Yaa Dilay Madaxweynaha.?: Qaybta 1aad