H/Yoonis Vs Warsangali.

  

Qodka Bari Kasoo Kacay Intaan Yara Qiyaasayo.

 

Bixisada ku habsatay dawlada Somaliland, ayaa waxay tahay mid ka bilaabantay bariga Somaliland. Madaxweyne Daahirna loogama horreyn markuu is yidhi gobolo u kordhi gobolada bari,isala mar ahaantaana  difaaca iyo weerarka iyo dakhliga dalkana u badi gobolada bari. Baad iyo laaluush iyo beerlaxawsigana ku wada badi gobolada Bari, aqoonsiga dalkana ku xidh gobolada Bari.  Balaayaba bari kama horraynin.

 

Burco kalideed waxay ku faani kartaa meelaha dhaq-dhaqaaqa iyo xorriyadda Somaliland ka bilaabmay kuwa ugu faca weyn uguna horreeyay. Hase yeeshe wixii Burco ka shisheeyi, waxay noqon doonaan kuwa ku faani doona kala tuurka iyo burburka Somaliland. Waa beelo ku nool xaydha jecli, beerka jecli, “xaggan gabi xagan gabi, guntuna wagagac”. !

 

Gaar ahaan beelaha ku abtirsada Harti/Daarood, waa beelo sida gabbal dayaha ah oo kolba geesta qorraxdu jirto u jeesta. Mana aha beelo lagu xidhi karo jiritaanka iyo aqoonsiga Somaliland. Qaladkii ugu weynaa ee Xukumadda maamulku geysatayna wuxu ahaa markay yidhaahdeen wuxu aqoonsi noogu jiraa xuduudaha bari oo aynu sugno, ee jiritaankoodaba siiyeen gobolada bari.

 

Qaladka labaadna waa midkan imika ay mashaqadiisu socoto, oo ah inay isla goboladaasi BARI, u kordhiyaan gobolo iyo degmooyin bug ah . Labadaas qaladna waa halka laga raacay xukumada qaldhabaysa ee UDUB. Sida dib loogu sixi doonina waxay qaadan doontaa dab iyo dhagax oo laysku dhufto.  Laba arrimood oo waaweyn ayaynu halkan ku xusaynaa si aynu u aragno miisaanka ay le’egtahay mashaqada kasoo maaxaysa BARI:

 

(1).    Baaqii Habar Yoonis

 

Tan iyo markii xukumadda Somaliland ku dhawaaqday gobolada cusub, dhul biirsigana loo badiyay gobolada bariga Somaliland, waxa isa soo tarayay warar badan oo xambaarsan  dhaliilooyin, iyo dhiillooyin colaadeed.  Wararkaasi (OodweyneNews), waxay ka bilaabmeen  baaqyo ay soo saareen beesha ballaadhan ee H/Yoonis, qaybta Gadhweynta. Baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen dad tiradoodu ahayd 117 waxay si weyn uga biyo diidanaayeen sida loo dulmay CEERIGAABO, loona kala qoqobay iyadoo awelba waxba loo qaban.  Waxay ku muujiyeen in degaano qaddiimi aha oo gobolkaa ka tiirsan xaqoodii la duudsiyay. Degmooyinkaana waxa ka mid ah:

 

dagmada Maydh

dagmada xiis

dagmada yufle

dagmada jidale

dagmada durdur

dagmada xingalool

 

Isla baaqaasi waxay beeshu ku sheegeen in haddii si deg-deg ah wax looga badali waayo oo xukumadu wax ka qaban weydo inay taageerada kala noqonayaan xusbiga talada haya, oo talana faraha ka haadi doonto. Baaqaas waxba lagama qaban, dabadeed maxaa xigay?.

 

(2).    Dagaalka H/Yoonis iyo Warsangali

 

 

Wararkii ugu danbeeyay haatana (OodweyneNews), waxay daaha ka qaadeen in dagaal culus oo laysku adeegsaday hub culus  ka qarxay magaalada Hadaaftimo. Dagaalkaasina wuxu dhexmaray H/Yoonis iyo Warsangali. Halkaasina waxa ku qudh waayay dad ku dhawo 30 qof marka labada dhanba laysku daro. Waxana ku dhaawacmay afartameeye qofood.

 

Waa xaqiiq inay talo faraha ka haaday mar haddii dhiig qul-qulay oo dhagarina timidday. Dagaalka ka bilaabmay H/Yoonis iyo Warsangalina wuxu noqon doonaa dagaal weyne u dhexeeya Isaaq iyo Daarood. Mustaqblka iyo jiritaanka Somaliland oo ah dal madax banaan lehna hogaan dawladnimo iyo hannaan diimuqraadinimana wuxu ku jiraa halis.

 

 

Hadal iyo dhammaan; belaayaba kama horraynin bari, UDUBta bokhokhdayna waxay ku beer dillaaci doontaa mashaqada bari. Dabadeedna, XERO DAYO XALAALEEY…..?

 

HiilDanExpress

 

 

 

 

 

 

 


 Faalada Warka

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

Tags:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: