Dal Dad Waayay (Book Review).!

Dal Dad Waayay iyo Duni Dammiir Beeshay. BY: Maxamad Daahir Afrax.

Mawduuceena maanta ee Wargeyska HiilDanExpress wuxu ku saabsanyahay, faaqidida buuga bilicda iyo barashada leh, ee u qoray Maxamad Daahir Afrax oo ah qoraa weyn oo caan ku ah bulshoweynta soomaaliyeed ee ku hadasha af-soomaaliga Mudane Afrax wuxu qoray buugan oo markii ugu horreysay la soo daabacay (1st Edition) sannadkii 2002. Daabacaddii labaad ee isla buuganina waxay ahayd 2004.

Buuggan oo ka kooban 245 bog (pages) waxana daabacay Halabuur Communications, London UK. Qoraagu wuxu ku bilaabay buugan inuu u hibeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo bulshada reer Jabuuti. Isagoo ku tilmaamay inay u hagar baxeen dib u heshiintii beelaha bulsho weynta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Carta- Jabuuti. Intaa ka sokowna wuxu ku xijisiiyay inuu xuso dadkii akhirstay iyo wixii ay ka yidhaahdeen qormadiisa. Dadka uu soo qaatayna dhammaantood way ammaaneen qoraaga iyo qoraalkiisaba. Waxana dadkaas ka mid ahaa: 

  1. Cabdirsaaq Xaaji Xuseen (Ra’iisal wasiirihii hore ee dawladii u horeysay ee Soomaaliyeed). 
  2. Jaamac Aadan Qaalib (Siyaasi iyo qoraa ruug cadaa ah). 
  3. Cabdulqaadir Xirsi Yam-yam (Gabayaa soomaaliyeed oo culus). 
  4. Maryan Cariif Qaasim (Haweenay Soomaaliyeed oo qoraa ah). 
  5. Dr Cabdirisaaq Cusmaan Jurriile (Waxgarad Soomaaliyeed – sholar). 
  6. Maxamad Cabdulqaadir Eenow (waxgarad). 
  7. Caasha Xaaji Cilmi (hogaamiye bulsho). 
  8. Idiris Yuusuf Cilmi (Qoraa iyo agaasime – Jabuuti). 
  9. Maxamad Cabdilaahi Riiraash (Qoraa iyo taariikhyahan ka socda RTD –Jabuuti. 
  10. Yuusuf Xaaji Cabdilaahi (Qoraa – Sweden International Radio). 
  11. Axmed Yuusuf Ibraahim (Qoraa). 
  12. Cabdisalam M Issa-Salwe(Qoraa iyo macalin ka tirsan Jaamacada Thames Valley- UK).

 Dhammaan wax garadkaas Soomaaliyeed ee qoraagu soo taxay magacdooda inta nool iyo inta dhimatayba, waxay dhammaantood u soo jeediyeen qoraaga iyo qoraalkiisaba ammaan aad u ballaadhan. Waa laga yaabaa, lagamana yaabo inay jireen dad dhaliilay qoraaga iyo qoraalkiisaba oo Afrax iska dhaafay inuu soo qaato waxay yidhaahdeen. 

Si kastaba ha ahaatee, ujeedada faaqidaadeenu ma aha inaynu ammaano amabase dhaliilno qoraaga iyo qoraalkiisa. Waxayse tahay inayn fahamno falsafada qoraaga iyo qoraalkiisaba ugana faa’iidayno inta an wali akhrisan. Iyo xitaa inta akhristaya ee iyagu fiiro ama fahmo gooniya ka leh. Kadib marka aynu buugan faaqidno, waxaynu jecelnahay inaynu kaga jawaabno ama jawaaba u helno, su’aasha ah:  

Ma Dalkaa Dad waayay, Mise Dadkaa Dad waayay? 

Hadaba si ay innoogu jilicsanaato faaqidaada buugani, waxaynu u qaadaa dhigi doonaa cutub-cutub (chapter by chapter) oo aynu u dhaxaysiin doonno wakhti inagu filan oo cutub kastaba lagu akhristo.  Qormadeena soo socotana waxaynu ku faaqidi doonaa Cutubka Koowaad ee buugaasi. Afrax wuxu cutubkaas u bixiyay DAL DADKIISII GABAY.  Cutubkaas ayaynu ku bilaabi doonaa faaqidida buugan, marka aynu dib u kulano.  

Cabdiqani Yuusuf Caateye 

HiilDan 

hiildan@yahoo.com     
  

About these ads

Categories: Buug Faaqidid (Book Review)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: