Qashin Miyaa Ciidamada Qaranka Somaliland?

Qashin Miyaa, Ciidamada Qaranka Somaliland?.

Maamulka Dalka Soomaaliland, wuxu sheegtaa inuu miisaaniyadiisa dhaqaale ee ugu badan ee dalka soo gasha ay ku baxdo  nabad galyada iyo difaaca dalka. Taasi oo loo qaadan karo in loo dan leeyahay, ciidamada qalabka, ciiidamada nabad galyada, kuwa guulwadayaasha, basaasiinta iwm. 

Hadaba  wakhtigan xaadirka ah, qaar ka mid ah ciidamada dalka ee Somaliland, waxa qudha ee lagu mashquuliyay ee la taaban karo waxay tahay in la dhigay Jiidda hore ee gobolada Bari.  Kuwaas oo dawladdu qaadhaan ku urursato, dadkiina u murxisay.  Inta halkaa joogta mooyiye, intaa kale oo dhan waxba ma qabtaan. 

Aynu usoo noqonno dulucda warkane, waxaynu la wada soconaa in Dalka Somaliland, u baahaynyahay dhismo yaal badan, oo xagga jidadka ah, xaga guryaha ah, xagga dikadaha ah iwm. Sida u caadada ah dalalka adduunkana, ciidamada dalku qayb weyn ayay ka qaataan dhismayaasha dalka, haddii uu dagaal socdo iyo xitaa haddii uuna soconba. 

Tusaale; masiibo culus ayaa dhawaan ku habsatay gobolka Awdal, oo dad iyo duunyaba ku le’deen. Gurmad Qaran ayaa loo qayshaday oo loo baahnaa, walina loo baahanyahay. Cududa ugu weyn ee gurmadkaa qaran ka qayb gali lahaydna waxay noqon lahaayeen ciidamada qalabka sida. Nasiib darrase, lama maqal magacooda, lamana arag muuqooda iyo muruqooda iyagoo dadkooda wax ugu qabanaya.  Hadaba su’aalaha xusidda mudan ee lays weydiin karayaa waxay yihiin: 

  • Qashin miyaa ciidamada qaranka Somaliland an ka qayb galin gurmada dalkooda?
  • Ma beenbaa qarashka lagu bixiyo miisaaniyada ugu weyn ee dalka oo ah Nabadgalyada?
  • Ma Awdalbaan ka tirsanayn Qaranka Somaliland?
  • Ma dadka reer Awdal ee tabaaloobay ayaa Qashin ah, oo an u baahnayn gurmad Qaran?

Waa badan yihiin Su’aalaha lays weydiin karo.  Xaqiiqda ma guuraanka ahise waxay tahay in ciidamada qaranka ee dalka iyo maamulka Qaranka ee dalku intuba yihiin Qashin iyo ‘Dulin’ (Parasites) quuta dhiiga danyarta iyo maatada  ee dalka  Somaliland. Hadday maanta u gurman waayeen ummadda caydhoowday, iyaguna uma qalmaan in loo gurmado iyo in loo dagaalamo toonna. 

Hadal iyo dhammaan, ciidamada reer Awdal kaga jira jiidda hore ee Laas caanoodna waxaynu ugu baaqaynaa inay kusoo laabtaan guryahoodii, kana qayb qaataan dhismaha gobolkooda, iyo gurmadka dadkooda.

HiilDan

hiildan@yahoo.com

  

About these ads

Categories: Warka (News)

Tags:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: