“Guddoomiayaha gobolka oo ay raxan xildhibaano ahi daba socota, ayaa la filayaa inay gaadhaan degaanada Baki, lughaya iyo Saylac. Waa markii ugu horreysay ee maamulka gobolku u shakhsi ahaan u kicitimo dhulka dhibaateysan”. Sidaasi waxa warkiisa kusoo gudbiyay weriyaha shabakada Harowo.com u fadhiya magaalada Boorama Mudane Maxamad Cumar Sh Ibraahim: http://harowo.com/2008/01/31/maamulka-gawal-oo-horkacay-gurmad-lagu-caawinayo-dadka-dhibaatadu-ka-soo-gaadhay-duufaankii-ka-dhacay-gobolka/
Haddaba, sida uu wariye Hyena sheegay, waa markii ugu horreysay ee guddoomiyaha Awdal uu shaqsi ahaan u kicitimo dhulka dhibaataysa. Faaladeena warkana waxaynu isku weydiinay su’aalahan soo socda:
- Imisa sannadood ayuu odayganu u ahaa guddoomiye gobolka Awdal?
- Imisa dhibaatooyin ayaa ka dhacday gobolka Awdal intuu ahaa guddoomiyaha?.
- Imisa qaylo dhaan ayaa laga soo weriyay gobolka Awdal, muxuuse ka qabtay?
Jawaabaha Su’aalahaas nooga soo baxayna waxaynu kusoo koobaynaa: Inuu yahay guddoomiyihii ugu mudada dheeraa lagu sheego Awdal inta Somaliland jirtay. Isla mar ahaantaana intaas oo dhanna, gobolkanu ku jiray wakhtigii ugu adkaa ee soo mara. Haddii aynu tusaalaha ugu dhoow usoo qaadanno dhacdadan ugu danbaysaynna, waxaynu la soconnaa, guddoomiye isku sheeggu, markuu maqlay in masiibadani dhacday, uu fadhiga iskaga sii raaxaystay, oo koox intuu diray ku yidhi igu soo noqda oo warka ii keena, waar goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceene.
Waa halkii isaga laga sugayay inuu hor kaco, indhihiisana ugu soo arko, isagoon halkaas kasoo noqona qaylo dhaan soo dira, oo dalbada gurmad deg-deg ah. Markii warka lagu soo celiyayna, waxaynu dhagaysannay, inuu shirkiiba isagu furay isagoo iska cabaadinaya oo leh, masiibaa dhacday, dadbaa waashay, dadbaa indho beelay, iwm, duunyaa rogmatay, beeraa dumay iwm. Dadkii warka usoo celiyay ayaa ku habboonayd inuu dhagayso warbixintana iyagu furaan, isaguna go’aanka ugu danbeeya sheego, iyo waxa xal ah.
Si kastaba ha ahaatee, gobolkan iyo dadkiisa waa la dayacay waxana dayacay dadkiisa oo mucaarad iyo muxaafid intaba leh. Intay dhexdooda is hirdiyayaan ee Xisbi bakhti iyo xisbi qudhun isku xinninayaan ayay ummaddii ku dhammaatay. Khusuusatan Meeyarka Awdal, waxaynu odhan karnaa maba aha Meeyarka Awdal ee waa safiirka Hargeysa u fadhiya Boorama. Marka Hargeysa laga soo istaadhana wuu dhaqaaqa, marka Hargeysa laga istaajiyana wuu joogsada. Orodkani imika uu ku jirana waa mid Hargesya uga yimid ee ma aha mid uu kaskisa ka keenay.
Hadal iyo dhammaan: Awdal waa laba gobol; Gobolka Boorama oo iyagu haysta guddoomiye, oo duqiisu yahay C/Raxmaan Shide Bile oo dadkiisu doorteen. Iyo Gobolka Awdal oo Guddoomiyahoodii wali maqan yahay, inay dadkiisu doortaana looga bahan yahay sida ugu dhakhsaha badan. Boorama waxba uguma taallo gobolka intiisa kale oo iyadaa isku filan. Gobolka intiisa kalana waxa la gudboon inuu isku fillaado, doortana qofka ay rabaan, diidaana qofka aanay doonayn.
HiilDan
Categories: Faalada Warka (News Analysis)
Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed