Waa sawirka Maskaxdeena ku soo noq-noqonaya, ee waligii an ka go’aynin, ee ka mid ah dhawrka sawir ee dhawaan saxaafada Awdal innoo soo gudbiyeen ee ku saabsanaa, Aafooyinkii ka dhacay Awdal.
Bal Eegoo u fiirsadaay: Waa Hooyo reer Awdal ah, waa miskiin itaal daran, way madluunsantahay, miciinbay sugaysaa. Waa Naflay ku nool Naflay. Sida ubadkooda oo kale ayay u ilaashadaan adhigooda. Neef yar oo adhi oo argagaxsan, oo kalidii usoo hadhay ayay ag fadhidaa, isna wuu eeganayaa iyadna way eeganaysaa, waa isku ehel iyo iriq. Odaygii iyo inankiina, dushay wax ka ilaalinayaan iyo aqalkoda itaalka daran. Cidna uma maqna Ceelna uma Qodna..
Waa Adduunyo Fidmoowdoo
Masiibooyinka Faafiyo
Ku fidayaan Aafooyinkuyoo
Intii Fiicnaydee wali
Faxshigeeda an galinna
Faasku uu ku dhacaayo
Kuwa Faaqayee kibree
Fuuray baase la leeyahay
Feejignaan ku qaatoo
Ficilkiinna Wanaajiya
Fidiya Gargaarkana
Fahmoo hadii kalana
Fallaar culusbaa iman
oo Daarahani Foociyo
Fooqaqa ad ku jirtiiniyo
Fatuurad celin karaynine
Bal Eegoo, U Fiirsadaay
HiilDanYare
Categories: Warka (News)
Tags: 103
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)