Lowyacaddana Miyay Leeleeshay?
“Lowyacado (Jam)- Guddoomiyaha magaalada Lowyacaddo oo ka tirsan Degmada Saylac ee Gobolka Awdal Mr. Cali Cumar Cigaal, ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee deegaankaas oo uu sheegay in ku habsatay abaar ba’an oo xoolo badan ku ay dhinteen“. Warkaasi oo faahfaahsan waxad ka heli doontii Jamhuuriya on Line iyo khadkan:http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=8023&categ=&expand=&file=view_article.tp
Faaladeena warka ee maantuna waxay ku saabsantahay qaylo dhaantaasi uu soo diray guddoomiyaha Lawyacaddo. Waxanu leenahay: In badan ayay lugluganaysay Awdal oo meel walba laxaw ay ka qabtay luunna ay qarsanaysaye. Haatanna miyay Lawyacaddana leeleeshay?.
Xaalladda Awdal, guud ahaan waa deyro, halhaysna wuxu innoogu go’an yahay: hakan mayno kolleeye, hurdayoow, hurdayoow toos. Hadal iyo dhammaan; Awdal wax hoodo ah way ku weyday Hargeysa, haddii lagu sii hoos jirana, Boorama ayaan laysku wada iman oo laysku hurgufi doonnaa,hareerahana laga haalligi doonnaa. Waana kala haadista iyo kala guurka Awdal, markay taasi dhacdana. Sidaa daraadeed labo arrimood midkood ayuunbaa innoo yaalla.
(1). Dhismaha Awdalland
Dhismaha Awdalland oo ah gobol iskii u madax bannaan oo loo dareero, lagana go’o Hargeysaland. Taasi waxay dadka tusi doontaa itaalkooda, tayadooda iyo tiradooda. Maxaa yeelay imika waxa laysku qarsanayaa waa Hargeysa iyo xukumada maqaar saarka ee halkaas ka jirta oo wax walba laga sugayaa. Haddiise Hargeysa iyo xukumadeeda laga hoos baxo, isku halleynta iyo is dhayalsiga ayaa dhammaan doona, waxna waa lawada qabsan doonaa.
(2). Awdal oo ku biirta Jabuuti
In alla inta degaano ka tirsan Awdal , dhammaantoodba ku biiraan Jabuuti, waxna la qaybsadaan. Taasi waa haddii Awdal aanay is aamini karaynin inay kalideed isku taagto’e. Ku biirida Jabuuti dee maxaa ku jaban?, hadii ku biirida hargeysaba aanay wax ku jabnayn?. Halkaasaabaan kaga nabad gali karnaa Xabashi iyo xulafadeede?. Waliba inay Lowyacaddo iyo Saylac ugu horreyaan ayaaban ku dhiirri galin lahayn. Wixii an labadaa midkoodna ahaynin, waa in lagu hoos jiro hugufka Hargeysa, gunnimana la ogolaado, marka lakala hayaamana, la yidhaahdo , “heey dee sidaasi ma anagaa moodaynayba”, iwm.
HiilDan
Categories: Faalada Warka (News Analysis)
Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed