Wasiirka Waxbarashadu; Wuu Is Casili Lahaa.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee Waddanka Somaliland, waxay ahayd inuu wakhti hore is casilo kadib markii uu ku fashilmay amaro an dhegba loo dhigin.  Bishii November, 28 keedii,  Wasiirka waxbarashadu (Gadhweyne) wuxu soo saaray bayaan uu ku caddaynayo in la hakiyay waxbarasho danbe oo heer Jaamacadeed ah oo dalka ka hir gali karta ilaa iyo amar danbe. Sidan ayuu u dhignaa (summary) warkaasi Wasiirku ku hakinayay Jaamacaddo dalka laga furo: 

“Wasaarada Waxbarashadu,waxay mahad iyo bogaadin u jeedinaysaa muwaadiniinta reer Somaliland ee doonaya inay jaamacado ka aas-aasaan dalka,taas oo ka turjumaysa dareenkooda wadaninimo is-xilqaan dheeraad ah.Hase yeeshee,waxa dhamaan dadka soo codsaday in ay jaamacado aas-aasaan iyo kuwa ku talo jira la ogaysiinayaa in aan wakhtigan xaadirka ah loo ogolayn aas-aasida jaamacado cusub ilaa dib loo qiimeeyo baahida dalka ee dhinaca waxbarashada sare, lana hir geliyo Komishinkii waxbarashada sare”   . http://harowo.com/2007/11/28/wasaarda-waxbarasha-somaliland-oo-joojisay-furitaanka-jaamicado-cusub-oo-laga-hirgaliyo-dalka/. 

Amarkaasi wuxu wasiirka iyo wasaaraduba soo saareen dabayaaqadii bishii November ee 2007.  Hadaba Maxaa xigay?.  Waxa xigay: 

(1).      Furitaanka Jaamacad cusub Hargeysa.

Arrinta koowaad ee xigtay amarkaas Wasaarada waxbarashadu ku joojinaysay Jaamacado cusub waxay ahayd in Jaamacad cusub oo lagu barto Technology iyo Engineering laga furo magaalada Hargeysa.  Jaamacadaas waxa loogu magac daray , Somaliland University of Technology[SUTRCH], waxana la furay 6th December 2007.  Furitaanka Jaamacadaasina waxa kasoo qayb galay masuuliiyiin sare oo ka tirsan Somalilad oo ay ka mid yihiin: Somaliland  Wasiirka Qoyska iyo arrimaha Bulshada Marwo Faadumo siciid,gudoomiyayaasha Axsaabta mucaaridka ah Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md C/raxmaan Cirro iyo qaar kale.  Warar wixii dheeraad ah ee ad uga baahantiin furtaanka jaamacadaasi iyo sidii uu u dhacay, waxad ka akhrisan doontiin GabileyNews : http://www.gabiley.net/        

(2).      Furitaankii Jaamacada EELO.

Toban cisho ka dib markii Hargeysa laga furay Jaamacada cusub, waxa iyadna  (16/12/07) si rasmi ah loo furay Jaamacada Eelo American University ee Gobolka Boorama. Jaamacad aad iyo aad loo sugayay ayay ahayd oo xiiso badan loo qabay furitaankeeda, aakhirkiina waa la furay oo wafti sare iyo masuuliyiin sare ayaa kasoo qayb galay furitaankeeda.  Wixii macluumaad ku saabsan jawiga uu u dhacay furitaanka jaamacadaas EELO waxad ka dheehan kartiin kana dhagaysan kartiin dhammaanba shabakadaha reer Awdal. 

(3).      Gabagabo Iyo Gunaanad. 

Wasiirku markuu amarka soo saaray inaan la furi karin Jaamacado cusub iyo markay iska soo daba dhaceen labadan Jaamacadood ee xiisaha badani waxa u dhexeeyay oo kaliya hal usbuuc iyo labo.  Furitaanka labada Jaamacadoodna midkoodna kamuu soo qayb galin Wasiirka Waxbarashadu, oo taasi waxay kuu cadaynaysaa inuu muraadilaac iyo madluun ku hawaarsadsay isaga iyo intii la kaska ahaydba.  Hadana wuxu noqday meesha kama tage waxna kama tare.  Haddii amarkiisii socon waayay, waxay ahayd inuu wakhtigaasiba is casilo, oo waliba intii ku dhiiri galinaysayna galaafto oo iyagana kaxaysto. 

Walise wuu joogaa. Maantana wuxu soo saaray war uu leeyahay Manhajka waxbarasho ee dugsiyada dhexe ee Somaliland waa lagu bartaa SNM, waana lagu baran doonaa, oo SNM waxay ku tallaalantahay dhiigga dhammaanba dadka reer Somaliland.  Bal taasina halkay la tagtiyo aynu eegno aayaha.

HiilDan

  

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

Tags:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: