Maalmahan danbe waxa isa soo tarayay talo xumida iyo tacadibka laga tabanayo guddoomiyaha Awdal. Hadaba waxa haboon inaynu is weydiino, su’aalahan hoos ku xusan:
- Horta yaa doortay gudddomiyaha Awdal?.
- Maxaase lagu Haystaa Guddoomiyaha
(1). Yaa Doortay Guddoomiyaha Gobolka Awdal?.
Waxaynu wada ognsoonahay in guddoomiyaha Boorama ay doorteen, xildhibaanada golaha degaanada Boorama. Sidoo kalana loo doortay guddoomiyayaasha Saylac iyo Baki iyo Lughaya iwm,, oo golayaasha degaanadoodu soo doorteen. Hase yeeshee maynu maqal in Xildhibaanada golayaasha degaanada gobolka Awdal oo ah kuwo awelkoodii horeba dadweynaha Awdal u codeeyeen. In dhammaan xildhibaanadaasi intay isku yimaadeen oo cod qaadeen ay ku doorteen Guddoomiyaha Awdal. Sidaa daraadeed Ummadda reer Awdal ma dooran guddoomiyaha Awdale, waxa laga soo magacaabay madaxtooyada Hargeysa.
(2). Maxaa lagu Haystaa Guddoomiyaha?.
Waxay u muuqataa in diiwaanka waxqabasho la’aan ee guddoomiyaha gobolkani aad u buuxsamay, oo fatahayo. Samirkii iyo dulqaadkii dadweynuhu u qabeena isna aad iyo aad u liito, oo talax gabay. Waxyaabaha ugu yaabka badan ee isa soo tarayayna waxa ka mid ah:
- Arrimaha la xidhiidha Abaaraha (Xeebaha Gobolka) iyo Colaadaha(Harowo)oo uu ku dhicisoobay una yeelan waayay dhaayo iyo dhego iyo dhiirrani midnaba, kuna barriiqsaday. Waa midda ugu weyn ee Codka Danyartu aanu ka saamixin Karin.
- Xayiraadihii xoolaha ee ka dhacday Saylac, oo xilkii iyo waajibkii saarnaa uu ka gudan kari waayay, dadkana ku yidhi: “waa xaajo innaga weynoo xagga Hargeysa laga qoray“.
- Isku dir iyo kala dilaalid dadka wada dhashay ee reer Awdal ah, oo la soo weriyay inay duqa ka gaadheen heer aad u foolxun oo ku salaysan danaysi iyo ducfiyad. Waa mid u daran Danyarta Awdal oo ku keeni doonta dib u dhac iyo is dil.
- Marti soorka dadka reer Awdal u fidiyeen maxaabiistii QARAN ee jeel laga soo daayay, oo si dhaqanka ka baxsan uu usoo faro galiyay, iyadoo dadweynaha Awdal aanay wax dhibaato ah u arkaynin in la marti sooro dad xigaalaheen ah, oo gaar ahaan jeel ka soo baxay.
- U nacamlaynta wasiirada iyo wakiilada xukummadda iyo canaagida cuqaasha iyo salaadiinta iyo oday dhaqmeedada Awdal oo ka gaadhay heer sharaf iska rid ugu filan.
- Birtii kusoo dhacday Libaaxley, oo laga waayay inuu noo soo sheego, iyo shaqaaqadooyin la sheego inay ka socdaan xuduudaha Awdal oo ciidamao shisheeye ah marmar lagu arko. Uma feejigna ammaanka iyo kalsooni siinta bulshada Awdal.
(3). Gabagabo Iyo Gunaanad.
Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan oo qoraal aynu kusoo wada koobi karaynin ayaa lagu haystaa Duqa gobolka Awdal. Sobabtuna waxay dib ugu noqonaysaa in Guddoomiyaha Awdal aanu ahayn masuul ay soo doorteen ummadda reer Awdal, sidaa daraadeedna aanu dan ka lahayn cidii diidda iyo ciddii doontaba, ilaa iyo inta uu awood ka hasysto xukumada Hargeysa.
Ummadda reer Awdalna waxa u taalla inay is weydiiyaan inay in Hargeysi u doori karto guddoomiyahooda iyo inay iyagu dooran karaan?. Sidoo kalana inay, deg-deg uga tashadaan sidii ay u heli lahaayeen qofka ay ku aamini karaan masuuliyada gobolkan Awdal.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
Categories: Waxay Ila Tahay (Opinion)
Faraqa u Dhaxeeya Xinka Iyo Xaasidnimadda
Maalintii uu Isaaq Borama Midida Kuula Yimiday ee uu ku Yidhi Qoorta iga Goo intuu Daarood Iga goyn lahaa Inaad Qoorta Goyso Ayay Ahayd!! Lakin Adiga Lagaa Gooyay Oo dhulka Is Dhigay….
Doqoniimada An Xuduuda Lahayn, Dawo Ma Loo Heli Doonaa?
Maleeshiyada Geesh Aden bile Afhayeenka u yahay iyo Maamulka Hargaysa iyo Xukumadda Jabouti way wada socdaan (Waa hal kaliya)!!!.
Is Casilaada Xildhibaanada Iyo Damaca Beesha Ciise Wuxu Soo Toosiyay Saddex Fidmo Oo Jiifay
M/xigeenka Somaliland Eng,Cabdiraxmaan C. Ismaaciil (saylici) waa Geesi, Karaamo iyo Karti Badan oo Lagu Xardhi Doono Taariikhda Awdal ee Facaweyn