Alloow Roob Iyo Rays: Faalada Warka

“Roobkii xayska oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay si is daba joog ah uga da,ayay degmada Baki iyo nawaxiga xeebta G/awdal ayaa gaystay khasaare balaadhan oo ah dhimashada in ka badan 7170 neef oo xoolo ah iyo ilaa sideed guri oo dumay inta la ogyahay”.   Sidaasi waxa warkiisa ku bilaabay oo uguna soo gudbiyay BoramaNews,  wariye Cabdiraxmaan Maxamad Habbane . 

Dhawaan ayay ahayd markii aynu qaylo dhaanta Abaarta isku dirnay. Dhawaaqii dhalaanka, danyarta, iyo maataduna kuma dhicin cidlo, ee Ilaahay wuu dhagaystay, wuxuna ugu jawaabay dhibic roobaad oo aad u dhumuc weyn. Khasaare dad iyo duunyaba leh ayaa durba laga soo werinayaa inay roobabkaasi geysteen.  Waxasne Ilaahay ka baryaynaa inuu ku xijisiin doonno, rays iyo barwaaaqo oo lagu reeyo waligeedba

 Gurmadka Mayorka Baki ka codsaday dawladda Somaliland iyo Hayadaha gargaarka inay soo gaadhsiiyaan dadka iyo duunyada ku le’day roobabka danbe, waa mid isna loo baahanyahay in wax weyn laga qabto.  Awel hore Hadday dadka abaari laynaysay, imikana barwaaqaa timid, ee halla soo dhaweeyo barwaaqada. Dadkay waxyeelo u gaystay barwaaqaduna, waxa laga heli doonaa barwaaqee,  haloogu gurmado, bash-bash iyo barwaaqo, oo si buuran halloo caawiyo.  Alloow Roob iyo Rays, mid lagu reeyo noo keen. 

HiilDan

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

Tags:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: