Jawaab: Lughaya News iyo Su’aasha Todobaadka

Reer LughayaNews , waxad na weydiiseen,  Safarka Madaxweynuhu muxuu ka tarayaa Aqoonsi Raadiska Somaliland.?. Waanad ku mahadsan tihiin  su’aashaas todobaadka. Sidii awelba inoo caadada ahaydna waxan idin leehay waad salaamantihiin iyo barinaye ma barideen. 

Haddii aynu usoo noqono Jawaabta: Walaalayaal Daahir innooma soo wada aqoonsi, safarkiisuna waxa ugu weyn ee Somaliland usoo kordhin karaayi waxa la odhan karaa  waa dal iyo dad is barasho oo laftarkeedu muhiim ahe wax kale ma aha . Yaynaan waxba is danbaajin. Maxaa yeelay, Ilaahii horey innoo aqoonsaday ee Binu-Aadam; Muslim; iyo Soomaliba innaga dhigay, ayuun baa innoo soo dhicin kara wixii innaga dhiman, waa haddii aynu si xaqa wax u raadinaynee.  

Haddiise loo raaco su’aasha sideeda, oo koleyba ah mid ay dadweynuhu is weydiinayaan. Waxaynu ka dhiiban karnaa sawir guud. Sawirkaasi oo ah inaynu ku sifayno Ictiraaf kan Somaliland raadinayso, wax u muuq eeg sida xayawaankii la odhan jiray DINOSAURS. Waa Dinosaurs kaas mid ka mid ah, oo  aad iyo aad u weyn oo u ballaadhan, oo adduunkan oo dhan le’eg. Kaasi oo  afkiisu yaalo Ameerika,  luguhiisuna yaallaan Yurub, dabadiisu taallo Afrika, ubucdiisuna taallo Soomaliya, indhihiisuna ku yaalaan Somaliland.  Alliyo Nabiiii, dee xabadaasi weyn ee Dinosaur ka ahi ee wada kala jeeddi, waa wax an Daahir ama qof kaliyi aanu soo qaadi Karin. !!

Sidaa daraadeed aqoonsigan Somaliland ee kolba Daahir loo dirayi. Waa aqoonsi aad u bal-ballaadhan oo qar-qaro waaweyn, oo aad iyo aad u naaxay. Daahirna kalidii masoo qaadi karo aqoonsiga, waa inay malaayiin iyo malaayiin qof isla soo qabtaan, oo soo wandaafiyaan, waana inay malaayiinkaasi qofood, heshiis ku wada yihiin, oo si isku mid ah usoo wada hinjiyaan (hinjiyaay, hiniyaay, hinjiyaay). !

Hadal iyo dhammaan aqoonsigu waa Dinosaur taas aadka u bokhokhday oo u baahan malaayin qof oo isla soo hinjiya. Haddii laysla wada hijiin waayana, waa halis oo waxbay budulka ka dhigi kartaa, ee innaga daaya haynagu doon doonnaninee,  oo Daahirna ha lugooyninee.

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

About these ads

Categories: Waxay Ila Tahay (Opinion)

Tags:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: