Danyarta Somaliland, Maxay Doonayaan?

“Kaba-shaagle, kabo-shaagle dhalay, anigoo kale weeyiye”; waa murti laga hayo Abwaan Xasan Sheekh Muumin (Raxmatullaah Caleyhi).  Innaguna waxaynu ku daraynaa, Danyare, Danyare dhalay, da’deenoo kale weeyiye.  Qofkii an daar dhisan , qofkii an duunyo haysan, iyo qofkii dalandoolayiba waa danyare, haba kala lahaadan darajooyin kala duwane, oo ka bilaabma ka duurka jiifsada ilaa ka daar uuna lahayn ku jira. 

Dan yartuna guud ahaan waa  dadka ugu badan Afrika iyo Adduunweynahaba.  Waa dadka aynu jecelnahay inaynu u hiillino , hiil, heey, iyo hooba.  Soomaaliduna waxay tidhaahdaa “Heeyna waa Hiil”.  Qoraalkeenan maanta oo noqon doona mid ah taxanana, waxaynu ku bilaabaynaa baahida ay qabaan Danyarta ku nool Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland.  Waxaynu ku eegi doonnaa, maxay doonayaan, maxayse diidayaan dadka sheegan kara danyar iyo maato ee degaan ahaan kasoo jeeda dalkaas soomaaliyeed ee Somaliland?. 

Dhan walba markii aynu ka rognay waxaynu kusoo koobnay inay dadkaasi rabaan, waxay cid kastaba rabto oo ah isbadal horumarineed oo ku yimaada dhan kasta oo bulshadu ka dheeliyaysaba.  Isbadaladaas ay dadku doonayaana waxa ugu muhiimsan is badalka siyaasadeed oo keeni kara is badalada kale ee ay rabaan dhamaantood.  

Isbadal Siyaasadeed. 

Aalaabaa waxaynu aragnaa iyadoo dadku si fudud iskaga leeyihiin waxaynu rabnaa is badal siyaasaadeed.  Hase yeeshee, baahida loo qabo is badalkaas siyaasadeed iyo sida loo helayo ayaa waxad moodaa inay tahay hawl an sahlanayn oo u baahan in si qoto dheer looga fiirsado.  Hadaba si aynu u fahamno sobabaha guud ahaan dadka dalku, gaar ahaana Danyartu  u rabaan is badal siyaasadeed, iyo waxa ay ka filayaan isnuu is badalkaas siyaasadeed ka badali doono horumarka dhan walba ee ay higsanayaan. 

Waxaynu isku dayi doonaa in, inta aynu ku guda jirno qoraalkeenan taxanaha ah aynu waraysiyo la yeelano qaar ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo dhaqmeed ee dalka Soomaaliyeed ee la magac baxay Somaliland.  Iyo dadka danyarta ah ee isla dalkaas ku nool oo fikradahooda aynu urursan doonno. Jawaabaha innoo soo baxa iyo wixii kale ee fikradeena ah ee aynu ku dabaqi karnana waxaynu si joogto ah ugu soo qori doonnaa halkan iyo fagaaraha codka danyarta ee HiilDan. 

Su’aalaha xusida mudan ee aynu jecelnahay dadkaas weydiin doonana waxaynu ku xusi doonaa sidatan hoos ku xardhan. 

  • Maxaad filaysaa inay doonayaan Danyarta Soomaaliyeed ee Somaliland?.
  • Maxaadse filaysaa inay diidayaan Danyarta Soomaaliyeed ee Somaliland
  • Halkayse ka heli doonaan waxkasta oo ay doonayaan?.
  • Halkuuse uga imanayaa waxani ay diidanyihiin?
  • Awood ma u leeyihiin Danyartu ay ku heli karaan waxay doonayaan?
  • Awood ma u leeyihiin Danyartu ay ku diidi karaan waxay diidayaan?
  • Yaa keeni  kara isbadalka ay rabaan Danyarta Soomaaliyeed ee Somaliland?
  • Yaase ka hor jooga Danyarta inay keensadaan is badalka ay rabaan?

Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayanu is weydiin doonnaa , kuna falanqayni doonaa qaybaha soo socda ee qoraalkeenan.   La Soco………………oo Ha Socon………………………..

HiilDan.

About these ads

Categories: Warka (News)

Tags:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: