Midab gumaysi; maskax gumaysi; millad gumaysi; maal gumaysi; muruq gumaysi; manfac gumaysi; maamul gumaysi; Minan gumaysi; magac gumaysi; mansab gumaysi; iyo wixii la mid ahi, wali kama madhan adduunkan, gaar ahaan Afrika. Maantana Somaliland waxay halis ugu jirtaa, addoonsi cusub iyo gumaysi cusub inay afka ugu dhacdo. Gumaysiga cusubi waa Maraykan iyo Xabashi, addoonsiga cusubina waa UDUB oo maraykan iyo xabashi soo adeegsan doonaan dalkana ka iibsan doonaan. Xukumadda UDUBta Bokhokhday, taariikhdeeda dib halloogu noqdo, dhan walbana hallaga eego madaxdeeda, wasiiradeeda, wakiiladeeda, ka dibna halla is weydiiyo su’aalahan soo socda. Su’aalahaasi oo an u kala qaybin doonno kuwo guud iyo kuwo gooniya. Kuwa GUUD, waa kuwa u wada yaalla Bulsho weynta Somaliland, waxayna kala yihiin sidan hoos ku xusan:
- UDUB, Dalka miyay u shaqaysaa, mise way ka shaqaysataa?
- Ma waxa la odhan karaa Waa majority UDUB?
- UDUB ma iyadaa curisay ama dhalisay Somaliland?
- Ma mucaaridka dalkaa UDUB, mise waa muxaafidka dalka?
- UDUB daacad ma u tahay Dalka?
- Xaqsoor iyo caddaalad xalaal ah ma lagu qabaa UDUB?
- Ma xeerbay dalka ku haystaan, mise qaybiyoo xukun?
- Doorashadii hore ee UDUB hoggaanka dalka ku qabtay, ma lagu sheegi karaa xalaal?
- Doorasho xalaal ah, oo UDUB ku guulaysan karto ma dhici kartaa?
- Doorasho hadday dhici weydo UDUB ma loo dulqaadan karaa?
Kuwaasi waa Su’aalaha guud ahaan ee u yaalla Somaliland oo dhan. Haatanna aynu usoo noqono Su’aalaha GOONI, u ah dadka qaarkood ee tirada yar ee reer Awdal ah, ee jidbaysan ee na leh waanu jecelnahay jiritaanka Somaliland, hadana u haysta UDUB inay tahay Hooyada Awdal, xisbiyada kalana yihiin Aayada Awdal. Su’aalahaasina waxay kala yihiin sidan:
- Ma xisbi Awdal keensatay baa UDUB?
- Ma xisbi Daahir keensadaybaa UDUB?
- Ma xisbi reer ka mid ah Awdal keensadeen baa UDUB?
- UDUB si gaar ah miyay ugu hiilisaa Awdal?
- Sheekhul baladkii Awdal (Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar), ee soo dhisay UDUB, miyuu wali ku jiraa UDUB?. Miyuu kusoo noqon karaa UDUB?.
- UDUB dan maka leedahay mana u damqanaysaa Awdal?
- Dadka jeelasha Boorama xaq darrada ugu jira cidna xuquudooda u hadal, yaa ku guray jeelasha ?. UDUB ma ogoshahay in laga soo daayo.?
- Awdal haddayna xisbi keensan karin, UDUB ma wada raaci kartaa?
- Daahirse hadduu madaxnimada ka dego, inta reer Awdal ee imika raacsan UDUB, ma ku jiri doonaan UDUB?.
Jawaabaha su’aalahaasi, hadday u badan yihiin kuwo mutaxan oo diidmo ah (negative) ama MAYA. Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ama xaqiiqda ma guuraanka ahina waxay noqonayasaa, inaan wakhti loo haynin xukumada maqaar saarka ah ee UDUB, ee wadata mabda’a gumeysiga cusub, oo wakhtigeedii dhammaaday. Hadal iyo murtina waa, Somalilandeey is maqaloo, MAYA UDUB ku yidhaahda, MAYA, MAYA, MAYA.
















Falanqayn: Comments