Boorama Ma U Madax Bannaantahay; Bannaan Baxa Aqoonsi Raadiska Ah?
Posted by hiildan on January 16, 2008
Hargeysa , Togdheer iyo Saaxil, waxay u bannaan bixi doonaan aqoonsi raadiska Somaliland , waanay u madax bannaan yihiin inay sidaasi yeelaan. Su’aashuse waxay tahay inaynu is weydiino in Boorama xor u tahay inay samayso mudaharaadkaas isaga ah, oo dhici doona maalinta khamiista ah ee soo socota?
Intaynaan su’aashaas ka jawaabin, aynu dib isku xusuusinno maqaalkii xiisaha badnaa ee dhawaan uu soo gudbiyay walaalkeen MAXAMAD CALI DUCAALE. Maqaalkaasi wuxu ku soo baxay BoramaNews.com iyo Gabiley.Net, waxa kale oo aynu ka sugaynaa inuu kusoo bixi doono Awdalnews.com , Warsanmag.com,, Lughayanews.com, SaylaciPress.net, Golisnews.com iyo qaar kale. Halkuhdigiisuna wuxu ahaa “Freedom Before Recognition”. Marka hore waxaynu hambalyo iyo salaan u diraynaa, mudane Maxamad Cali Ducaale, oo ka mid ah waxgaradka iyo hogaamiyayaasha safka hore ee jaaliyadda Awdal/Somaliland iyo IQRA UK , si weyna looga qadariyo London . Mudane Ducaale, si waangsan ayuu ugu hadlay waxa ay tahay xorta (Free) iyo xorriyaddu (Freedom) iyo sida loogu baahanyahay inay xorriyadd dheeli tiran oo loo wada simanyahay uga hoorreyso aqoonsiga guud.
Innagoo ka shidaal qaadanayna oo tix raacayna (reference) maqaalkaas ayaynu isku dayaynaa inaynu ka jawaabno, su’aasha aynu is weydiinay. Jawaabta Su’aashaas labo qaybood ayaynu u sii kala saari doonnaa si ay innoogu fududaato falanqaynteedu:
1. Ikhtiyaar (Choice)
Qaybta hore waxay khusaysaa doorashada iyo ikhtiyaarka dadku u leeyihiin inay mudaharaad sameeyaan iyo inaanay samayn karin, taasi waa xaalad ikhtiyaar(matter of choice) ee ma aha xaalad xorriyadeed (matter of freedom). Dad badani guryahooda way iska joogi karaan ama ganacsigooda iska wadan karaan, halka qaar badanina bannaanka usoo bixi doonaan. Qaar kood waxay ku noqon doontaa qiiro iyo jidbo run oo caleemo qoyan iyo calan qaarba cayn ah ayay luli doonaan, waanay xabeebsan doonaan. Halka qaar kalana laga yaabo inay ka tahay qosol iyo wakhti isku dhaafin iyo u camirid, qaar kalana dan iyo muraad toona ka gali doonin.
Markaa taasi aynu dhinac iskaga dhigno, oo aynu isla fahamno inayna dooddeenu ahayn in dadka reer Boorama ikhtiyaar u leeyihiin inay sahandanbe [Khamiis] sameeyaan bannaanbax lagu taageerayo aqoonsiga heer caalami ee Somaliland rabto iyo in kale.
2. Xorriyadda (Freedom)
Xorriyadda aynu ka hadlayni ma aha nooca la odhan karo xaaladeedu inay tahay doorasho/ikhtiyaar (Matter of choice), ee qof waliba wuxu kaskiisa ka keeno iska yeeli karo una yahay xor. Waxayse tahay midda muhiimka ah, ama xaalad ah muhiimad (matter of necessity). Waa xaalad mahuraan ah, oo u baahan in laga soo shaqeeyo gunteeda ilaa iyo guudkeeda, si looga goosto midho lagu wada macaasho oo la wada munaafacaadsado. Haddii qaaciidadaasi danbe ee muhiimmada ah, aynu ku dabbaqno xaaladda Soomaaliyeed, gaar ahaan middan Somaliland . Maxaa ka soo baxaya.?
Sida qaalibka ah; Xorriyadda Somaliland ku faanayso inay keensatay, ma aha mid cid kasta oo sheegan karta Somaliland si isku wada mid ah ugu faani karaan. Maxaa yeelay, Beelaha qaarkood ayaa geedkan xorriyadeed gunta kasoo dhistay, ogna ilaa guudkiisa, qaarkoodna geedkii oo baxay ayuunbaa loo keenay oo la yidhi nala gurta midhihiisa, ee lagama qayb galin beeristiisii hore. Sidaa daraadeed reer Boorama waxay ku jiraan kuwa loo keenay xeedhada oo la yidhi nala wadaaga, oo kolba inta an gasiinka idinka siino raalli ku noqda.
Hadaba, taasi ma noqon karto Xorriyad Boorama ku faani karto, ugana badin karto kuwii u keenay oo calanka la hor roori karto, kacaankoodana uga dheerayn karto.?. Xorriyaddii Hargeysa iyo Burco iyadu wa xaasile, tii Boorama ma tahay xaasil?, mise wali badhbaa maqan oo u baahan in loo halgamo, hadalku weeyi?. Haddii wali baaqi maqan yahay Boorama waxay u baahantahay inay hesho xorriyadaa iyo madax bannaanidaa ka maqan, kadibna kula gorgortanto Hargeysa iyo Burco inta aanay kacaanka UDUB ka dheeraynin. Haddii kale kacaankaasi kurkuu ka gooyni doonaa ee taas halla ogaado:
Nin Bilaawe qaatayoo
Boqnaha jaray walaalkii
Isaguna Bawdadiyo
Biixiduu is jabiyaye
Baraarugaay Baraarugaay
Baraarugaay Ummadyahay
Maanta way Bannaantahaye
(3). Gabgabo Iyo Gunaanad
Boorama way haysataa ikhtiyaarka ay ku banaanbixi karto ama ku bannaanbixi karin. Hase yeeshee ma haysato xorriyada ay kula gorgortami karto, iskuguna dherarin karto gobolada kale ee Somaliland . Way maqantahay xorriyadda iyo xuquuda awdal, waxayna ku maqan tahay Boorama oo ah xarunta iyo xudunta Awdal. Ilaa iyo Boorama ay u dhiidhidhido soo dhicinta xuquuqdaas maqana, waxba dhadhan iyo dhaaciido toona yeelan maayaan bannaanbaxyo iyo balwooyin loo tiriyo Somaliland .
Hadal iyo murtinta waa; Boorama ha raadsato xorriyadeeda, oo hasoo dhiciso, markay heshana si wadajir ah ha u la safato Hargeysa iyo Burco oo ha la soo dhiciso aqoonsiga heer caalami ee ka maqan. Haddii kale, Ilaahay innagama yeellee bal halaga werwero, oo halla ogaado, Falastiinta Cusub iyo cidday noqon doonto.
Nabad iyo Caano.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye


















