Waxaynu mawduucani ku falanqayni doonnaa waraysi xiiso badan oo dhawaan wariye Haashim Sh. Cumar Good (Harowo.com), la yeeshay Xildhibaan Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo ka mid ah xil dhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Awdal.
Runtii, Xildhibaan Ayaanle waxad mooddaa inuu yahay nin ay ka muuqato firfircooni iyo fadalo caddayn siyaasad jacayl oo dheeraad ah. Taasina waxaba la odhan karaa waa midda dhaxal siisay inuu noqdo xildhibaankii ugu horreeyay ee kaga soo biira xildhibaanada Awdal, dhinaca kaydka sugayaasha xildhibaanada (Geeri xildhibaan sugayaasha). Waana ninkii wuxu ka qabo xamaasad iyo xubbi siyaasad jacayl, u sugu kari waayay inta la laabayo tacsidii xildhibaankii ka horreeyay ee geeriyooday laba sanadood ka hor. Xidlhibaankaasi oo ahaa AARE NUUR CUSMAAN (AUN). Alloow ma nin baa dhaxlay AARE ? .
Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ugu xiisaha badnaa ee an kasoo xushay wareysigaas, ee isla mar ahaantaana maqaalkani ku kooban yahay ayaa waxay tahay sida xildhibaanku u difaacay waxa uu ku sheegay Free Market oo distuurka iyo dawladu raalli ka yihiin, waa sida uu sheegaye.
Xildhibaan Ayaanle oo ka hadlayay xayiraadii xoolaha ee dhawaan ka dhacday degmada Saylac, ayaa wuxu ku sheegay waraysigiisa, ganacsatadu inay xoolaheeda meel walba la mari karo, taasina tahay distuuri oo dawladu ogoshahay Free Market. Wuxuna intaasi raaciyay in muwaadin kasta, kaliya xaq uun loogu leeyahay inuu bixiyo cashuur, taasi oo waajib ay tahay in cashuurtaas la bixiyo oo jiritaanka dalka iyo dadku ku xidhan yahay.
Waa hagaag; bal aynu marka hore wax iska weydiino waxa lagu sheegi karo FRE MARKET, caam ahaan (In general)?. Free Market, waxaynu ku macnayn karnaa inay tahay, saylad dhaqaale oo wax is weydaarsigeeda iyo baahideeda aan la xadidinba, ama kaliya waxyar lagu xadido: ( An economic market in which supply and demand are not regulated or are regulated with only minor restrictions- American Heritage Dictionary).
Haddii an sii faah-faahino micnaha Free Market, maanta oo dhan ka bixi mayno, oo waxa lagu qaadan karaa maaddo dhan (subject) oo culuun ah, mana aha wax maqaal kooban iyo wareysi gaaban lagu wada sheegi karo. Hase yeeshee muhiimada guud inaan ka raacno weeyi ujeedadu.
Muhiimadaasina waxay tahay in Saylada xorta ahi (Free Market) ay ka duwan tahay saylada Xaddidan (Controlled Market). Sayladdaas xadidan oo ah mid dawladu si toos ah u xaddido sicirkeeda iyo soo dajinteeda iyo sii dejinteedaba. Halka, ay saylada Xorta ahina, u tahay mid sicirkeeda iyo suuqeeduba yahay wax ay heshiis ku yihiin ganacsatada wax is dhaafsanaysa, oo cid saddexaad (third Party), sida dawlada iyo wixii la mid ah aanay faduul joogto ah ku lahayn.
Hadaba innagoo usoo noqonayna waraysigii Ayaanle. Waxaynu is weydiinaynaa sidee laysku waafajin karaa Distuurka Dalka oo qiraya Free Market (waa sida Xil Ayaanle sheegaye) iyo xayiraada iyo xakamaynta Xoolaha ee ka dhacday Saylac. Inagoo meel fudud kasoo qaadayna, Xil. Ayaanle wuxu sheegay in muwaadiniinta xaq uun loogu leeyahay inay cashuur bixiyaan. Taasi way qaban kartaa dhinac ahaan (in a way) micnaha Free Market, oo waa minor restrictions, oo sharci ah.
Balse, sidee loo macnayn karaa in ganacsatada lagu yidhaahdo, dikadda Berbera oo kaliya ayaan idiin ogolnahay inaad wax kala soo degtiin waxna ka dhoofisiin; meel kalana kama soo dajin kartiin, kamana dhoofin kartiin. Haddii ad sidaa yeeli weydiinna, ganacsigiinu waa koontarabaan, waana laydin xidhayaa ama laydin ganaaxayaana, ama labadaba layskugu kiin darayaa?.
Taasi waa koow. Ta labaadna waxay tahay, innagoo wali ka shidaal qaadanayna hadlaka Xil.Ayaanle, haddii waxa kaliya ee muwaadinka laga rabo tahay inuu cashuur bixiyo, hadana cashuurtaasi maxaa ka dhigay in meel kaliya uun lagu bixiyo?. Tusaale, haddii ninka Boorama iyo Saylac jooga loo ogolyahay inuu xoolihiisa u tallaabiyo Jabuuti oo uga dhaw Berbera, ilaa iyo inta cashuurta (as long as) laga rabo uu bixinayo. Dee bal waayahaye, muxuu qofkaasi cashuurta ugu bixin waayay Saylac, illeyn iyaduba, kastam way leedahaye?.
Hadaba jawaabta Xil dhibaan Ayaanle, markaad dhan walba ka eegto waxay caddaynaysaa in Berbera mooyiye an meel kale xoolo laga dhoofsan karin, lagana soo dajin karin, Berbera mooyiye an meel kalana wax xoolo ah an lagu cashuuri karin. Sidaa daraadeed, waxan Xil Ayaanle, iyo dhammaan xildhibaanada gobolka Awdal iyo Somaliland, oo aalaaba ku andacooda in shaqadooda ugu weyni tahay sharci dejinta dalka. Aanu ka codsan lahayn inay doodooda waafajiyaan Distuurka Dalka, oo ka wada xaajoodaan, midka Free Market iyo Controlled Market ,ka jira Somaliland.?. Haddii Jawaabtu noqoto in sayladda xaddidadan (controlled Market) ka jirto dalka, oo midda xorta ahi (free market) aanay ka jirin, markaa distuurka ayaa la dafiraye wax waa in laga qabto.
Distuurku ma la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan baa, oo waa wax kolba sidii la rabo loo loo fasisho?, mise wuxu leeyahay micne ma dhaafaan iyo ma guuraan ah oo laysku wada waafaqsan yahay?. Xildhibaanada waxan leenahay: Hadduu distuurku qabyo iyo qalad yahay, ha saxaan Distuurka waa wixii loo xil saaraye. Hadday dawladu qawle iyo qawsaar tahayna ha qabtaan dawlada iyadna waa wixii loo xil saaraye. Qiilna yay u bannaysan qasaaraha hagoogan iyo dawladdan qaldhabaysa ee wakhtigeedii dhammaadaye, waa inay dadkooda qiimeeyaan.
Nabad iyo Caano
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDan
















Falanqayn: Comments